
Masar oo diyaarinaysa ciidamadii ugu dambeeyay ay u soo dirayso Soomaaliya
Ciidamada la qorsheynayo in Soomaaliya la geeyo ayaa la filayaa inay ku yimaadaan laba hannaan: iskaashi milatari oo toos ah oo u dhexeeya Muqdisho iyo Qaahira, iyo ka-qaybgalka howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya, AUSSOM.
Ciidamada Masar oo la sheegay in la dejin doono duleedka Muqdisho
Sida ay qortay The New Arab, ciidamada Masar ayaa la qorsheynayaa in la dejiyo deegaanka Ceelcade, oo ku yaalla waqooyiga duleedka Muqdisho, halkaas oo uu ku yaallo garoonkii hore ee diyaaradaha Cisiley, kana tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Warbixintu ma sheegin tirada rasmiga ah ee ciidamada Masar ee la keenayo Soomaaliya, mana cadda goorta saxda ah ee ay ciidamadu soo gaari doonaan goobaha loo qorsheeyey in la dejiyo.
Masar ayaa muddooyinkii dambe kordhisay iskaashiga milatari ee ay la leedahay Soomaaliya, iyadoo saraakiil ciidan oo labada dal ka socda ay yeesheen kulamo looga hadlayo tababarka ciidamada Soomaaliyeed, dhismaha awoodda milatariga iyo xoojinta wada-shaqaynta dhinaca difaaca.
Doorka ciidamada Masar ee AUSSOM
Haddii ciidamada Masar ay qayb ka noqdaan howlgalka AUSSOM, waxay ku biiri doonaan ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ka taageera la-dagaallanka maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo xoojinta amniga dalka.


0 



Masar oo diyaarinaysa ciidamadii ugu dambeeyay ay u soo dirayso Soomaaliya
.