Wasiir hore oo sheegay in hadii Puntland goosato aaney jirin cid ay matali doonto Dowlada Somalia

0
Sunday October 11, 2026 - 10:30:32 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 66
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir hore oo sheegay in hadii Puntland goosato aaney jirin cid ay matali doonto Dowlada Somalia

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirkii hore ee arimaha dibada Soomaliya Cabdi-Saciid Muuse Cali ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Khilaaf siyaasadeedka jira sida damaca Dowlada Goboleedka Puntland ee ah inay sida Somaliland gooni isu taag ku dhawaaqi doonaan xili warqad nuucaas ah uu Saciid Deni u gudbiyay Qaramada Midoobe.

Cabdi-Saciid Muuse Cali wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday inay jiraan Dowladu caalamka ah oo qorsheynaya inay aqoonsiga kala laabtaan Dowlada Faderaalka Soomaaliya isagoo carabka ku adkeeyay inuu isagu ogyahay dalal diyaar u ah qorshahaasi.

"Puntland haddii ay goosato, ma jirto cid ay meteli doonto Dowlada Faderaalka Soomaaliya , sababtoo ah waxay weyneysaa aqoonsiga caalamka.”ayuu yiri Wasiirkii hore ee arimaha dibada Soomaliya Cabdi-Saciid Muuse Cali

Masuulkaani wuxuu intaasi ku daray in hadii Puntland goosato ay Dowladu wajihi karto caqabad weyn oo ku saabsan sheegashadeeda ah inay matasho Somalia oo dhan,sidoo kale wasiirka hore wuxuu xusay in caalamka dib u eegis ku sameyn doonaan Dowlada Somalia.

Puntland haddii ay Somaliya ka goosato ma jiri doonto Somaliya danbe.” Wasiirkii hore Arrimaha Dibada Somaliya Cabdisaciid.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip