
Ra'iisulwasaaraha Somalia oo teleefoon kula hadlay Xildhibaan Sagal Cabdi-weli
Ra’iisulwasaaraha Somalia Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay inuu taleefoonka kula hadlay Xildhibaan Sagal Cabdi-weli oo ah Gabar Somaaliyeed oo dhawaan loo doortay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Britain.
Hadaba qoraal uu Xamza Cabdi Barre soo dhigay baraha bulshada oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
Waxaan khadka taleefoonka kula hadlay Xildhibaan Sagal Cabdi-weli oo ah gabadh Soomaaliyeed oo dhowaan loo doortay in ay noqoto xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Boqortooyada Ingiriiska.
Waxaan Xildhibaan Sagal ugu hambalyeeyay guusha weyn ee ay ka gaartay doorashada, waxaanan u rajeeyay in alle u fududeeyo xilka culus ee ay xambaartay, aniga oo u sheegay sida dowladda, madaxda iyo shacabka Soomaaliyeedba ay ugu faraxsanyihiin guusheeda oo ah mid taariikhi ah.
Xildhibaan Sagal waxa ay tusaale wanaagsan u tahay qurba-joogta Soomaaliyeed ee dunida meelo kala duwan ku nool ee dedaalkooda iyo kartidooda ku gaaray xilal iyo darajooyin waaweyn.
Waxaan xildhibaanadda kula dardaarmay in ay si hufan u gudato xilkeeda, u shaqayso bulshadii baarlamaanka u dirsatay, kana qeybqaadato dedaal kasta oo lagu sii xoojinaya xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo UK.


0 




Ra'iisulwasaaraha Somalia oo teleefoon kula hadlay Xildhibaan Sagal Cabdi-weli
.