Xildhibaanno u badan kuwa mucaaradka oo lacago laga jiray

0
Saturday October 10, 2026 - 13:36:38 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 133
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanno u badan kuwa mucaaradka oo lacago laga jiray

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

ildhibaan Yuusuf Gama’adiid oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay lacago horleh oo laga jaray qaar kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, una badan kuwa mucaaradka, kaddib markii ay ka maqnaadeen fadhiyada Golaha.Xildhibaan Gama’adiid oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dood weyn ka qabaan qaabka loo maray jarista lacagtaasi oo dhan 800 oo dollar, isaga oo caddeeyay in aysan diiddanayn isla xisaabtanka, balse ay tabashadoodu ku saabsan tahay habka loo fuliyay tallaabadaas.

"$800 ayaa laga jaray Xildhibaannada, dood weyn ayaana ka qabnaa. Isla xisaabtanka waan oggolnahay, laakiin qaabka loo maray ayaa qalad ah,” ayuu yiri Yuusuf Gama’adiid.

 

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo ay gaartay cabashada Xildhibaannada, ayaa ugu baaqay kuwa tabashada qaba inay cabashadooda u maraan habraaca ku cad xeer-hoosaadka Golaha, isla markaana si rasmi ah usoo gudbiyaan, si looga qanciyo sababaha keenay in mushaaraadkooda lacag laga jaro.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo horay guddoonka Baarlamaanka u sheegay inuu tallaabo ka qaadayo Xildhibaannada ka maqan kulamada Golaha, si loola xisaabtamo, maadaama ay gudan waayeen waajibaadkooda shaqo.

Si kastaba ha ahaatee, maqnaanshaha Xildhibaannada ayaa saameyn ku yeeshay kulamada Baarlamaanka, iyadoo Golaha laga dareemayo caqabado la xiriira kooram la’aan soo noqnoqotay.

 

Arrintan ayaa sidoo kale keentay in shaqada Baarlamaanka ay noqoto mid hakad iyo dib-u-dhac uu ku yimaado, taas oo caqabad ku noqon karta gudashada waajibaadka sharci-dejinta, doodaha ajandayaasha horyaalla Golaha iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip