Madaxweyne Xasan Sheekh: Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan karto

0
Monday October 05, 2026 - 12:18:20 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 96
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh: Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan karto

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu sii socon karo muddo kale, balse uusan jirin suurtagal ay kooxdaasi mar kale kula wareegi karto gacan-ku-haynta guud ee dalka.

Madaxweynaha oo wareysi siiya warbaahinta Alajzeera, ayaa sheegay in Al-Shabaab xilli hore ay si weyn ugu fidday dalka, xitaa madaxtooyada Soomaaliya ay weerarro kala kulmi jirtay meel aad ugu dhow, halka maanta uu sheegay in kooxda ay boqolaal kiiloomitir u jirto Muqdisho.

"Dagaalkani waxaa laga yaabaa inuu sii socdo muddo yar oo dheeraad ah, laakiin ma jirto wax suurtagal ah oo Al-Shabaab ay mar kale dalka oo dhan kula wareegi karto,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wuxuu tilmaamay in xaaladda amni ee Soomaaliya ay isbeddeshay, isagoo ku dooday in horumar laga sameeyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, marka loo eego xilligii kooxda ay awoodda badan ku lahayd qeybo badan oo dalka ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale meesha ka saaray suurtagalnimada in Soomaaliya ay dib ugu laabato dagaallo sokeeye, dagaallo beeleed ama dagaal siyaasadeed.

"Al-Shabaab inay soo laabato waa wax aan suurtagal ahayn, sidoo kalena suurtagal ma aha in dalku dib ugu laabto dagaal sokeeye, dagaal beeleed ama dagaal siyaasadeed,” ayuu yiri madaxweynaha.

 

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa yimid, iyadoo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay aaminsan yihiin in haddii Soomaalidu dhexdeeda xal ka gaari weydo khilaafkeeda ay fursad u siin karto Alshabaab inay dalka la wareegaan, caalamkuna ka sii jeesto arrimaha Soomaaliya, kaddib in ka badan 30 sano oo ay taageerayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh: Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan karto




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip