
Muhaajiriin Soomaali ah oo laga masaafuriyey Maraykanka oo sheegay in ay dhibaatooyin kala kulmeen xabsiga Guantanamo
Hay’adaha socdaalka ee Maraykanka ayaa Khamiistii Soomaaliya u masaafuriyey siddeed nin oo Soomaali ah, kuwaas oo muddo ku dhow bil lagu hayay saldhigga ciidamada badda ee Maraykanka ee Guantanamo Bay, Cuba.
Ragga la masaafuriyey waxaa ka mid ahaa Adam Abdullah, 31 jir ah, oo muddo ku noolaa gobolka Minnesota, kana shaqaynayay farsamada baabuurta xilli uu sugayay go’aanka codsigiisa magangelyo.
Abdullah ayaa sheegay in wakiillo ka tirsan hay’adda socdaalka iyo fulinta xuduudaha Maraykanka (ICE) ay xireen 12-kii Diseembar, xilli ay dowladdu bilowday howlgalkii ay ugu magac dartay Operation Metro Surge.
Sida uu sheegay, marka laga reebo laba ganaax oo baabuurta la xiriiray, uusan lahayn wax dambi ah oo laga diiwaangeliyey Minnesota. Wuxuu Maraykanka yimid horraantii 2023, wuxuuna si sharci ah uga shaqaynayay makaanik.
Kadib markii la xiray, waxaa la sheegay in Abdullah loo kala gudbiyay xarumo lagu hayo dadka aan haysan waraaqaha socdaalka ee gobollada Minnesota, Kentucky iyo Louisiana, ka hor inta aan dhammaadkii Agoosto loogu qaadin Guantanamo, isaga iyo toddoba nin oo kale oo Soomaali ah.
Abdullah ayaa sheegay in markii ay diyaaradda u raaceen Cuba loo sheegay in halkaas ay shidaal ka qaadan doonaan kadibna loo sii gudbin doono Soomaaliya, balse ugu dambayn lagu hayay Guantanamo.
Isagoo ka hadlayay muddadii uu ku jiray xabsiga, Abdullah wuxuu sheegay in isaga iyo ragga kale lagu hayay amni aad u adag, iyadoo loo oggolaan jiray hal saac oo jimicsi ah.
Abdullah ayaa sheegay in muddadii uu xabsiga ku jiray ay hooyadii xanuunsatay, isagoo bishii Maarso ogaaday xaaladdeeda laba maalmood ka hor geerideeda.
Wuxuu sheegay inuu codsaday in loo oggolaado inuu si iskiis ah uga baxo Maraykanka si uu u arko hooyadii, balse codsigaas la diiday.
"Waxaan codsaday inaan si iskay ah uga baxo dalka iyadoo ay hooyaday xanuunsan tahay, laakiin way diideen. Xitaa markii ay dhimatay ayaan u sheegay, balse wax ay sameyn karaan ma jirin,” ayuu yiri.
Qareenka socdaalka ee Minnesota Marc Prokosh, oo matalayay Abdullah iyo saddex ka mid ah ragga kale, ayaa sheegay in raggu ay haysteen amarro masaafurin ah oo loogu celinayo dalkooda hooyo, sidaas darteedna tallaabada ICE aysan u muuqan mid jebinaysa sharciga federaalka.



0 


Muhaajiriin Soomaali ah oo laga masaafuriyey Maraykanka oo sheegay in ay dhibaatooyin kala kulmeen xabsiga Guantanamo
.