Ciidamada Waqooyi Bari oo mushaarkii ugu horreeyay ka helay DF Soomaaliya

0
Sunday September 27, 2026 - 21:50:52 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 52
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Waqooyi Bari oo mushaarkii ugu horreeyay ka helay DF Soomaaliya

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Ciidamada Waqooyi Bari ayaa si rasmi ah u helay xuquuqda ciidanka heer federaal, kaddib wada-hadallo muddooyinkii dambe u socday maamulka iyo dowladda dhexe.

In ka badan 2,500 oo askari oo ku sugan deegaanka ayaa loo fasaxay inay helaan xuquuqda ciidanka heer federaal. Askartan ayaa xalay markii ugu horreysay helay mushaarkooda, kaas oo ay bixisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa tan iyo markii Somaliland laga saaray deegaanka ku shaqeynayay si iskaa wax u qabso ah, waxaana bixinta mushaarka federaalku ay qayb ka tari kartaa baahiyaha ay qabaan iyo xaaladda dhaqaale ee ciidanka.

 

Arrintan ayaa sidoo kale la filayaa inay yareyso culayska dhaqaale ee maamulka Waqooyi Bari ka haystay sidii uu mushaar ugu heli lahaa ciidamadiisa. Xogaha la helayo ayaa intaas ku daraya in dhallinyarada deegaanka laga qori doono ciidamo cusub, gaar ahaan cutubyada gaarka ah.

Dhinaca kale, arrintan ayaa loo arkaa inay keeni karto loollan cusub, maadaama ciidamada loo sii daayay mushaarka federaalka ay ku jiraan kuwo laga qoray gobolka Sanaag. Puntland ayaa arrintan u aragta mid saameyn ku yeelan karta loolanka ka jira gobolkaas.

Sanaag ayaa ah deegaan ay joogitaan ku leedahay Somaliland, halka Puntland ay sidoo kale joogitaan ku leedahay, iyadoo maamulka Waqooyi Bari uu doonayo inuu xoojiyo doorkiisa gobolkaas. Bixinta mushaarka ciidamada iyo qorshayaasha qorista dhallinyarada deegaanka ayaa qayb ka noqon kara dadaallada lagu xoojinayo awoodda maamulka ee gobolka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip