Maxaa kasoo baxay kulankii dhex-maray RW Xamza iyo Guddoomiye Jaamac?

0
Sunday September 27, 2026 - 15:22:24 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa kasoo baxay kulankii dhex-maray RW Xamza iyo Guddoomiye Jaamac?

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), xilli uu khilaaf xooggan soo kala dhex-galay labada xafiis.

 
 
 
 
 
 
 

Xamza iyo Jaamac ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan dardargelinta wada-shaqeynta labada xafiis, si loo xaqiijiyo himilooyinka qaranka.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa isla soo hadal arrimaha keenay khilaafka, waxayna isla gareen ilaalinta dastuurka, sarreynta sharciga iyo ixtiraamka curfiga maamulka dowladeed, sida uu shaaciyay guddoomiye Jaamac oo qoraal kooan oo saaray kadib kulanka uu la yeeshay Ra’iisul wasaaraha.

 

"Waxaan mahad ballaaran u celinayaa Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo maanta iigu yimid booqasho shaqo, taas oo aan ku dardargelinayno wada-shaqeynta labada gole, si loo xaqiijiyo himilooyinka qaranka iyo dowlad-dhis ku salaysan ilaalinta Dastuurka, sarreynta sharciga iyo ixtiraamka curfiga maamulka dowladeed,” ayuu yiri Jaamac.

Khilaafka labada xafiis ayaa yimid, kadib markii uu guddoomiyaha Baarlamaanka ku dhiiraday tallaabo ka dhan ah Ra’iisul wasaaraha isagoo qaraar kusoo saaray mooshinkii dhawaan lagu baabi’iyay wareegtadii Ra’iisul wasaare Xamza ee ku aadanaa in xilalka agaasime-waaxeedyada wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda lagu buuxiyo hannaan tartan ah.

Arrintan ayaa keentay is-qab-qabsi awoodeed oo ka dhex bilowday guddoonka Baarlamaanka iyo xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, taas oo si weyn loo dareemay todobaadkii lasoo dhaafay.

 

Is-haysiga labada xafiis ayaa loo arkaa mid salka ku haya ku tartanka awoodda iyo saamaynta siyaasadda guud ee dalka, maadaama lagu jiro xilli adag oo kala guur ah.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip