
Fiqi oo tallaabo qaaday kadib cadaadiskii uga yimid BF + Sawirro
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa qaaday tallaabo la xiriirta arrintii Baarlamaanka ee ku aadaneyd cabashadii kasoo yeertay qoysaska iyo agoonta ciidamada Xoogga Dalka.
Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa maalin kahor si kulul uga hadlay cabasho ku saabsan 6,000 oo askari oo isugu jiro hawlgab, naafo iyo qoysaska askartii dhimatay oo la sheegay in la jaray xuquuqdoodii.
Guddiga difaaca ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale soo bandhigay 4 su’aal oo ku geedaamay arrintan, iyaga oo u yeeray wasiirka iyo taliyaha, si ay horyimaadaan golaha, una jawaabaan su’aalahaas muddo 72 saacadood gudahood ah.
"Mudane Wasiir, waxaa lagaa sugayaa in aad qoraal ahaan uga soo jawaabto su’aalaha sare ku xusan muddo 72 saacadood gudahood ah. Sidoo kale waxa lagu farayaa in aad hortimaado Guddiga Difaaca adiga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, taariikhda hoos ku xusan. Taariikhda: 04/10/2026 Saacadda: 11:00 subaxnimo Goobta: Xafiiska Guddiga Difaaca, Golaha Shacabka, Villa Hargeysa,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Intaas kadib, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa maanta kulan is-xaalwareysi ah la qaatay qaar ka mid ah qoysaska iyo carruurta ay ka tageen geesiyaashii Ciidanka Xoogga Dalka ee u shahiiday difaaca dalka, isaga oo ka xog wareystay xaaladdooda nololeed.
Sidoo kale wasiir Fiqi ayaa qoysaska u sharraxay qorshaha dowladda ee lagu daryeelayo carruurta shuhadada, iyagoo sheegay in Golaha Wasiirrada ay ansixiyeen Xeer-nidaamiyaha Daryeelka Agoonta Shuhadada XDS, isla markaana la dhisi doono hay’ad u gaar ah maamulka agoonta iyo daryeelkooda.
Waxaa kale oo uu qoysaska ku wargeliyey in dhowaan la hirgelin doono dugsi iyo goob caafimaad oo u gaar ah agoonta.
Ugu dambeyn wuxuu adkeeyey in naf-hurkii geesiyaashii shahiiday aan la hilmaami doonin, daryeelka qoysaskooda iyo ubadkooduna uu yahay waajib qaran.



0 



Fiqi oo tallaabo qaaday kadib cadaadiskii uga yimid BF + Sawirro
.