
Askari ka tirsan ciidamada DF oo maanta lagu riday xukun adag kadib markii…
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukumay Ex-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso "Soddon”, taas oo ah qisaasta Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo la sheegay inuu dilaySida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee CQS, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, maxkamaddu waxay waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, ka hor inta aysan soo saarin xukunka.
Cabdi Aadan Ibraahim "Soddon” ayaa lagu eedeeyey dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo ahaa muwaadin ku shaqeysta xirfadda dhismaha guryaha ee Faryaamo.
Eedeysane Soddon oo waddada xaafadda Iga-daba-geey ee degmada Garsabaaleey u taagnaa Mooto Bajaaj uu raaco ayaa joojiyey Bajaajtii uu saarnaa marxuumka, qaab u eg awood sheegasho ayuuna ula hadlay, si loo sii qaado.
Waxaa loo sheegay in aan la qaadi karin, maadaama aysan isku jiho u socon. Jawaabta eedeysanaha ayaa noqotay inuu hakiyo Bajaajta, kadibna ku handado inuu ka shakiyey, isla markaana ay tahay in la hubiyo.
Eedeysanaha oo isku dayey inuu baxsado ayaa ku dhuuntay geedka Soomaalidu u taqaano Cali-garoobka oo ku yaalla meel aan ka fogeyn goobta uu falka ka dhacay. Balse dad shacab ah ayaa ciidamada ammaanka u tilmaamay halka uu ku jiray, sidaas ayayna ciidamada ugu suuragashay inay gacanta ku dhigaan.
Baaris dheer kadib, Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga oggolaaday 16-kii bishan September.


0 


Askari ka tirsan ciidamada DF oo maanta lagu riday xukun adag kadib markii…
.