Xasan oo soo jeediyey dalab ka dhan ah QM ee Soomaaliya

0
Sunday September 27, 2026 - 14:28:30 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 70
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan oo soo jeediyey dalab ka dhan ah QM ee Soomaaliya

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in isbeddel weyn lagu sameeyo qaabka ay Qaramada Midoobay uga shaqeyso Soomaaliya, isaga oo sheegay in qeyb badan oo ka mid ah taageerada caalamiga ah ay weli marto hannaan ka baxsan nidaamyada dowladda.daxweynaha oo Khamiistii ka hadlayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in, kaddib in ka badan 30 sano oo QM ay si weyn uga howlgaleysay Soomaaliya, loo baahan yahay in taageerada caalamiga ah si dhow loogu waafajiyo mudnaanta iyo qorshayaasha qaranka.

Waxa uu sheegay in inta badan taageerada Qaramada Midoobay ay weli marto waxa uu ugu yeeray "nidaamyo isbarbar socda, mashaariic kala googo’an iyo habab ka baxsan miisaaniyadda dowladda”.

 

Sida uu sheegay, qaabkan ayaa dowladda ku adkeynaya inay si wanaagsan u qorsheyso, isu dubbariddo dhaqaalaha iyo mashaariicda, isla markaana cabbirto natiijooyinka laga gaarayo taageerada caalamiga ah.

"Soomaaliya ma dalbaneyso in Qaramada Midoobay ay baxdo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu taa beddelkeeda ku baaqay iskaashi cusub oo ay hay’adaha Soomaalida hoggaaminayaan fulinta mashaariicda, isla markaana ku dhisan isla-xisaabtan iyo natiijooyin la cabbiri karo.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in taageerada caalamiga ah ay tahay inay xoojiso hoggaanka iyo hay’adaha qaranka, halkii ay beddeli lahayd ama hareer mari lahayd.

Waxa kale oo uu dhaliilay fikradda ah in dalalka sida Soomaaliya oo kale ah aysan lahayn awood ay iyagu ugu maareeyaan horumarkooda hay’adahooda gudaha.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in fikirkaas la joogo waqtigii lagu tuuri lahaa "qashin-qubka taariikhda”, isagoo ku dooday in Soomaaliya maanta leedahay xirfadlayaal, hay’ado iyo siyaasado awood u leh inay hoggaamiyaan qorshaha horumarinta dalka.

 

Isbeddelka howlgalka QM

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli Qaramada Midoobay ay ku dhowdahay inay soo gabagabeyso geeddi-socod labo sano ah oo lagu soo afjarayo howlgalkeeda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Howlgalka Kumeel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, UNTMIS, ayaa bishii November 2024 beddelay howlgalka UNSOM, kaddib markii dowladda federaalka ay codsatay in si tartiib tartiib ah loogu wareejiyo Soomaalida howlaha uu hayay howlgalka QM.

 

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dejiyey hannaan masuuliyadaha loogu wareejinayo hay’adaha Soomaalida, kooxda Qaramada Midoobay ee dalka iyo saaxiibada kale.

UNTMIS ayaa lagu wadaa inuu gebi ahaanba soo afjaro howlihiisa 31-ka October 2026, marka la dhammeystiro wejiga labaad ee qorshaha kala-guurka.

Arrintan waxay soo afjareysaa howlgalka siyaasadeed ee gaarka ah ee QM ee Soomaaliya, balse ma micna aha in Qaramada Midoobay ay dalka ka baxayso.

 

Hay’adaha, sanduuqyada iyo barnaamijyada kala duwan ee QM ayaa sii wadi doona howlahooda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qiray kaalinta shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo dalalka kale, balse waxa uu sheegay in dadaalladii lagu doonayay in QM looga dhigo hay’ad isku xiran, hufan oo natiijooyin muuqda keenta aysan weli gaarin heerkii laga filayay.

Hadalkiisa ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaal ballaaran oo dowladda federaalka ay ku doonayso inay awood iyo maamul dheeraad ah ku yeelato barnaamijyada horumarineed ee muddo dheer lagu maamulayay nidaamyo caalami ah.

 

Ka hortag halkii laga sugi lahaa

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku baaqay in wax laga beddelo habka loo isticmaalo dhaqaalaha caalamiga ah, iyadoo maalgelin badan la gelinayo ka hortagga dhibaatooyinka, adkeysiga bulshada iyo tallaabooyinka hore.

Waxa uu soo xigtay qiyaaso ay sameysay Hay’adda Qaramada Midoobay ee Yareynta Khatarta Musiibooyinka, kuwaas oo sheegaya in hal dollar oo lagu bixiyo tallaabooyinka ka hortagga, kaabeyaasha adkeysiga leh ama waxqabadka hore uu mustaqbalka badbaadin karo inta u dhexeysa saddex ilaa 15 dollar oo ku bixi lahaa khasaaraha iyo gurmadka.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya aysan sii ahaan karin dal ay beesha caalamku mar walba lacag ku bixiso cawaaqibka colaadaha, iyadoo maalgelin yar la siinayo nabad-dhisidda.

Waxa uu sidoo kale sheegay inaan habbooneyn in sanad walba dhaqaale badan lagu bixiyo gurmadka xaaladaha bani’aadannimo, iyadoo aan si ku filan loo maalgelin awoodda bulshada iyo dowladda ee ay kaga hortagi karaan dhibaatooyinka soo noqnoqda.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhismaha hay’ado dowladeed oo xooggan uu muhiim u yahay beddelidda nidaamkaas.

 

Dowladda ayaa hadda fulineysa Qorshaha Isbeddelka Qaranka, iyadoo sidoo kale dadaal ugu jirta xoojinta maamulka maaliyadda dowladda, kordhinta dakhliga gudaha iyo dhismaha awoodda hay’adaha qaranka.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa muujinaya in dowladda Soomaaliya ay dooneyso xiriir cusub oo ay la yeelato Qaramada Midoobay marka uu soo dhammaado howlgalka siyaasadeed ee UNTMIS — xiriir ay taageerada caalamiga ah sii socoto, balse hay’adaha Soomaalidu ay door weyn ku yeeshaan go’aaminta sida loo qorsheeyo loona fuliyo barnaamijyada dalka.



Somalia's President Mohamed Hassan Sheikh Mohamud addresses the 81st United Nations General Assembly (UNGA) at UN headquarters in

 New York City, US, September 24, 2026. REUTERS/Mike Segar



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip