Australia: Nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay faafinta dacaayadaha Daacish oo maxkamad la soo taagay

0
Sunday September 27, 2026 - 09:50:52 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 80
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Australia: Nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay faafinta dacaayadaha Daacish oo maxkamad la soo taagay

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Muwaadin Australian ah oo asal ahaan Soomaali ah ayaa markii ugu horreysay maxkamad la soo taagay, iyadoo lagu eedeeyay inuu taageerayaasha baray habka loo qorsheeyo loona fuliyo weerarro sababi kara dhimasho badan.

 

Mohamed Bakit, oo 65 jir ah kana fariistay shaqada, ayaa ka soo muuqday Maxkamadda Magistrates-ka Melbourne, kaddib markii ay ciidamada booliska federaalka Australia ku soo oogeen dacwado la xiriira argagixisanimo.

Boolisku waxay ku eedeeyeen Bakit inuu faafiyay ku dhowaad 10,000 dukumenti, farriimo, sawirro, muuqaallo iyo codad la xiriira dilal, jirdil iyo falal kale oo rabshado ah.

Sida ay boolisku sheegeen, Bakit ayaa intii u dhaxaysay 2018 iyo 2020 u dhaartay daacadnimada Daacish (ISIS), isagoo lagu eedeeyay inuu magaca ururka u shaqeynayay, balse uusan u safrin dhulalkii uu ururku ka talinayay xilligii dagaallada Bariga Dhexe.

Booliska ayaa sheegay in doorkiisa uu ahaa mid muhiim ah, iyadoo baaxadda agabka xagjirka ah ee lagu eedeeyay inuu ku faafiyay bar internet oo sir ah ay ka dhigtay mid ka mid ah dadka ugu firfircoon ee dacaayadaha ururka ku faafiya goobtaas.

 

Boolisku waxay sidoo kale ku eedeeyeen inuu faafiyay xog ku saabsan sida looga dhuuman karo hay’adaha ammaanka iyo tilmaamo lagu qorsheeyo laguna fuliyo weerarro sababi kara dhimasho badan.

Si kastaba, boolisku ma aysan sheegin in Bakit uu xiriir la lahaa weerar argagixiso oo dhacay ama qorshe weerar oo la fashiliyay. Waxay sidoo kale sheegeen inuusan hadda bulshada khatar ku ahayn.

Bakit ayaa lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin xubin ka ahaanshaha urur argagixiso, haysashada agab xagjirnimo oo rabshado wata iyo adeegsiga adeeg isgaarsiineed si uu dembi ama gef u geysto.

Qareenkiisa, Stephanie McLennan, ayaa maxkamadda ka sheegtay in tani ay tahay markii ugu horreysay ee Bakit xabsi lagu hayo, isla markaana uu u baahan yahay dawooyin la xiriira sonkorow, wadne iyo dhiig-kar.

Maxkamaddu waxay amartay in xabsiga lagu sii hayo, iyadoo la filayo inuu Khamiista codsado dammaanad.

Australia: Nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay faafinta dacaayadaha Daacish oo maxkamad la soo taagay





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip