Booliska oo 3 qof u xiray gabar 5 jir ah oo meykeedi laga helay Baydhabo

0
Sunday September 27, 2026 - 11:33:35 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 65
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska oo 3 qof u xiray gabar 5 jir ah oo meykeedi laga helay Baydhabo

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Gabar shan jir ah oo muddo laba maalmood ah la la’aa ayaa meydkeeda laga helay meel u dhow guriga qoyskeeda magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Gabadhan oo lagu magacaabi jiray Ikhlaas Ibraahim Aamiin ayaa meydkeeda laga helay galinkii dambe ee Jimcihii xarun caafimaad oo hooyada iyo dhallaanka ah, taas oo ku dheggan guriga qoyskeeda ee deegaanka Xaqsoor.

Booliska ayaa sheegay inay xireen saddex qof, oo labo ka mid ahi yihiin haween halka qofka saddexaad uu yahay wiil dhalinyaro ah, kuwaas oo loo baarayo geerida gabadha. Ilaa hadda se wax dacwad ah si rasmi ah looguma soo oogin.

Qoyska gabadha ayaa sheegay inay waayeen Ikhlaas abbaaro 2-dii duhurnimo ee Arbacadii, waxaana ciidamada ammaanka ay muddo laba maalmood ah ka wadeen magaalada iyo nawaaxigeeda baaritaanno lagu raadinayo.

Ibraahim Maxamed Aamiin, oo ka mid ah ehelka gabadha, ayaa sheegay in qoysku ay jirkeeda ku arkeen dhaawacyo ay u fasirteen in la garaacay, isla markaana xarig lagu ceejiyay. Hase yeeshee, mas’uuliyiintu weli ma shaacin natiijada baaritaanka caafimaad ee lagu sameeyay meydka gabadha.

 

Meydka Ikhlaas ayaa loo qaaday Isbitaalka Gobolka Bay, halkaas oo baaritaan loogu sameynayo si loo ogaado sababta rasmiga ah ee dhimashadeeda.

Geerida gabadha ayaa sidoo kale soo jiidatay faragelinta Hogaamiyaha Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), kaas oo la sheegay inuu faray ciidamada booliska iyo hay’adaha sirdoonka inay si degdeg ah u baaraan dhacdada, isla markaana tallaabo laga qaado cid kasta oo lagu helo inay mas’uul ka tahay.

Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Aadan Madoobe uu doonayo in baaritaanku si degdeg ah u soo gabagaboobo, si qoysku u helo caddaalad.

Sarkaal boolis ah oo ka hadlayay xaaladda ayaa sheegay in mid ka mid ah dadka la xiray uu ahaa ilaalo ka shaqeynayay dhismaha ay meydka gabadha laga helay.

Booliska ayaa sheegay in baaritaanku weli socdo, ayna isku dayayaan inay ogaadaan waxa dhab ahaan ku dhacay gabadha iyo cidda ka dambeysa dhimashadeeda.

 

Qoyska Ikhlaas ayaa ka mid ahaa qoysas barakacayaal ah oo bishii July loo raray guryo cusub oo laga dhisay deegaanka Xaqsoor ee magaalada Baydhabo.

Qoyska Ikhlaas ayaa hadda dalbanaya in si buuxda loo caddeeyo sababta dhimashada gabadha iyo cidda ka dambeysa, isla markaana qof kasta oo lagu helo inuu ku lug lahaa falka maxkamad la horkeeno.Booliska oo 3 qof u xiray gabar 5 jir ah oo meykeedi laga helay Baydhabo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip