
Budhcad-badeed Soomaali ah oo dil ugu hanjabay 10 badmaax oo Pakistani ah
Qoysaska 10 badmaax oo Pakistani ah oo in ka badan shan bilood ay haystaan budhcad-badeed Soomaali ah ayaa sheegay inay lumiyeen xidhiidhkii ay la lahaayeen ehelkooda, xilli ay soo baxayaan walaac cusub oo ku saabsan badbaadada shaqaalaha markabka.
Markabka MT Honour 25, oo sita calanka Palau, ayaa 21-kii Abriil lagu qabsaday xeebaha Puntland, iyadoo ay saarnaayeen 17 shaqaale ah, oo 10 ka mid ahi yihiin Pakistani.
Sida ay sheegtay Arab News, budhcad-badeeddu waxay ku hanjabeen inay dilayaan shaqaalaha markabka haddii ciidamada ammaanku isku dayaan inay xoog ku soo furtaan.
Hanjabaadahan ayaa soo baxay kadib markii ciidamada badda ee Puntland ay Jimcihii soo badbaadiyeen 20 shaqaale ah oo saarnaa markabka SIBU 1, kaas oo sidoo kale ay budhcad-badeeddu qabsadeen.
Hay’adda Ansar Burney Trust International, oo xidhiidh la leh shaqaalaha markabka iyo budhcad-badeedda, ayaa sheegtay in 25-kii Sebtembar ay heshay farriin iyo sawir uu soo diray kabtanka markabka, Ashari Samadikun, kaas oo sheegay in shaqaalaha loogu hanjabay hub.
Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in budhcad-badeeddu dalbanayaan 1.9 milyan oo dollar si ay u sii daayaan shaqaalaha, iyadoo dalabkaas lala wadaagay mas’uuliyiinta Pakistan.
Sida laga soo xigtay hay’adda, dhammaan shaqaaluhu weli waa nool yihiin, mana jirto war sheegaya inay qabaan xanuun halis ah, balse waxaa jira cunto iyo dawo yari, iyo cadaadis nafsi ah oo xooggan.
Mas’uuliyiinta Pakistan ayaa sheegay inay arrintan kala shaqaynayaan hay’adaha Soomaaliya iyo Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO), si loo helo xal lagu sii daayo badmaaxiinta.



0 



Budhcad-badeed Soomaali ah oo dil ugu hanjabay 10 badmaax oo Pakistani ah
.