Safiirka cusub ee Dowladda Türkiye u soo dirsatay Soomaaliua oo bilaabay hawshiisa

0
Friday September 25, 2026 - 14:28:30 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka cusub ee Dowladda Türkiye u soo dirsatay Soomaaliua oo bilaabay hawshiisa

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Türkiye u qaabilsan Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa si rasmi ah u bilaabay shaqadiisa Muqdisho. aAlkan ayaa xilka kala wareegay Alper Aktaş oo soo gabagabeeyay muddadii uu safiirka ka ahaa Soomaaliya.

 

Farriintiisii ugu horreysay ee uu u diray shacabka Soomaaliyeed, Alkan ayaa sheegay inuu sharaf weyn u arko inuu xilka bilaabo xilli ku beegan 60-guurada xiriirka diblomaasiyadeed ee Türkiye iyo Soomaaliya, iyo 15 sano guuradii ka soo wareegtay booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu Soomaaliya ku yimid sanadkii 2011.

Safiirka ayaa sheegay inuu Muqdisho kula kulmay dhallinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo sida uu xusay ka hadlay xaaladda amniga iyo xasilloonida caasimadda iyo nawaaxigeeda.

Alkan ayaa sheegay in Türkiye ay si buuxda u taageerayso dadaallada Soomaaliya ee dhinacyada amniga, horumarinta iyo xoojinta awoodda hay’adaha dowladda, isagoo tixraacay hadal uu Madaxweyne Erdoğan ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Waxa uu sheegay in hadafka ugu weyn ee Ankara uu yahay in xiriirka Soomaaliya iyo Türkiye lagu sii dhiso is-ixtiraam, kalsooni iyo dano wadaag ah, si loo horumariyo xiriirka labada dal iyo danta labada shacab.

 

Safiirka cusub ayaa sidoo kale sheegay inuu muddada uu Soomaaliya joogo ka faa’iideysan doono fikradaha iyo talooyinka shacabka Soomaaliyeed.

"Albaabbada Safaaraddeennu mar walba way idiin wada furnaan doonaan,” ayuu yiri Alkan.

Xiriirka Soomaaliya iyo Türkiye ayaa sannadihii u dambeeyay ku fiday dhinacyo ay ka mid yihiin amniga, horumarinta, waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo iskaashiga istiraatiijiga ah.

Safiirka cusub ee Dowladda Türkiye u soo dirsatay Soomaaliua oo bilaabay hawshiisa




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip