Netanyahu oo loo banneeyey hoolka golaha QM, xilli uu jeedin rabay khudbaddiisa

0
Friday September 25, 2026 - 11:10:12 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Netanyahu oo loo banneeyey hoolka golaha QM, xilli uu jeedin rabay khudbaddiisa

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa khudbad uu ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay si adag ugu difaacay howlgallada milatari ee ciidamadiisu ka wadaan dalka Iiraan, Qasa, Koofurta Lubnaan iyo meelo kale oo Bariga Dhexe ah.

Balse ka horta inta uusan bilaabin khudbaddiisa waxaa hoolka ka kacay tobannaan wakiillo iyo madax si ay uga mudaaharaadaan markii uu masraxa soo fuulay.

Isaga oo ka jawaabaya wufuuddii ka baxday hoolka, ayuu yiri: "Haddii ay jiraan fulayaal kale oo damiir la’ oo aan weli hoolka ka bixin, fadlan hadda baxa”.

Hoggaamiyaha Israa’iil ayaa sidoo kale diiday eedeymaha ah in Israa’iil ay xasuuq ka waddo Gaza, Waxa uuna ku dhaartay inuu sii wadi doono dagaalka, isaga oo yiri: "Waan guuleysan doonnaa. Doorasho kale ma lihin”.

Saacado ka hor, Madaxweynaha Falastiin Mahmoud Cabbas ayaa farriin la duubay oo uu u diray Qaramada Midoobay ku sheegay in siyaasadaha Israa’iil, gaar ahaan isku ballaarinta sharci-darrada ah ee deegaannada Yuhuudda laga sameeyo Daanta Galbeed ee la haysto, ay halis ku yihiin "nolosha iyo jiritaanka shacabka Falastiin ee dhulkooda hooyo.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip