
Madaxweyne Cirro oo sheegay in aragtida "Soomaali Wayn" ay sababi doonto burbur iyo dagaal
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa khudbad iyo dood uu 24-kii Sebtembar 2026 ka jeediyey Golaha Xidhiidhka Dibadda ee Maraykanka (Council on Foreign Relations – CFR) ee magaalada New York, kaga hadlay taariikhda Somaliland iyo Soomaaliya, midnimadii labada dhinac iyo doodda Somaliland ee ku aaddan madaxbannaanida.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Soomaalidu ay yihiin hal bulsho, balse ay jiraan tusaalooyin muujinaya in dadka isku luuqadda ama diinta ahi ay yeelan karaan dalal kala duwan. Waxa uu tusaale u soo qaatay dalalka Carabta oo uu sheegay inay yihiin 22 dal oo wadaaga luuqad iyo diin, iyo dalalka Afrikaanka ah ee ku hadla afka Sawaaxiliga ay yihiin 12 dal.
Waxa uu sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya ay hore u ahaayeen laba dhul oo ay kala maamulayeen gumaystayaal kala duwan, isaga oo xusay in Somaliland ay xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska sannadkii 1960, halka Soomaaliya ay xornimada ka qaadatay Talyaaniga.
Cirro ayaa sheegay in labada dhinac ay markii dambe midoobeen iyada oo ujeeddadu ahayd in la sameeyo hal dal oo ay ku midoobaan dhammaan dadka Soomaalida ah ee ku nool Geeska Afrika.
Hase yeeshee, sida uu sheegay Madaxweyne Cirro, himiladaasi ma ayna noqon mid dhabowda, maadaama Soomaalida ku nool Jabuuti ay qayb ka yihiin dal madax-bannaan, halka Soomaalida ku nool Itoobiya ay weli ku jiraan Itoobiya, qaybta Soomaalida ee Kenya-na ay ku jirto Kenya.
Madaxweynaha ayaa sidaas darteed su’aal ka keenay in xalinta arrinta Soomaalida lagu raadiyo in dhammaan dhulalka Soomaalidu ku nool yihiin lagu mideeyo hal dal, iyo in la aqbalo in bulshooyinkaasi ay ku kala noolaadaan dalalka ay hadda ka tirsan yihiin iyadoo la ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka, isaga oo sheegay in haddii la doono in la mideeyo ay taasi dagaal sababi doonto.
Kulanka CFR, oo dhacay xilli Golaha Xidhiidhka Dibadda uu martigelinayay Madaxweyne Cirro, ayaa diiradda lagu saaray dalabka Somaliland ee aqoonsiga caalamiga ah iyo xaaladda amni ee gobolka Geeska Afrika.
Hadalladan ayaa qayb ka ahaa dadaallada diblomaasiyadeed ee Somaliland ay ka waddo Maraykanka, iyadoo Madaxweyne Cirro uu New York ka wado bandhigga mowqifka Somaliland ee ku aaddan aqoonsi raadinta.


0 




Madaxweyne Cirro oo sheegay in aragtida "Soomaali Wayn" ay sababi doonto burbur iyo dagaal
.