
NISA oo dharbaaxo culus ku dhufatay Al-Shabaab – Maxaa dhacay maanta?
.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulada Bur Saruur ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka ayaa ka dhacay tuulada oo qiyaastii 2 KM koonfur-bari kaga beegan deegaanka Cali-Gaduud, waxaana lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada NISA ayaa dilay 12 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale la burburiyay agab ciidan oo ay kooxdaasi adeegsanaysay, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay hay’adda.
Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa sidoo kale burburiyay goobihii ay maleeshiyaadku gabbaadka ka dhiganayeen, taas oo qayb ka ahayd howlgallada lagu wiiqayo awoodda kooxda ee gobolka.
Howlgalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid qorsheysan, waxaana ciidamada iyo saaxiibada caalamka ay si gaar ah u bartilmaameedsadeen goobta ay maleeshiyaadku isku uruursanayeen. Howlgalka ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, iyadoo ciidamada ay sii wadaan raadraaca xubnihii ka firxaday goobta.
Ciidamada NISA ayaa sidoo kale wada howlgallo ka dhan ah dagaalyahannada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo la isku dayayo in laga hortago dhaq-dhaqaaqyada kooxda.
Howlgalkan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ay wadaan howlgallo lagu beegsanayo fariisimaha iyo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

XIGASHO:-JOWHAR.COM


0 


NISA oo dharbaaxo culus ku dhufatay Al-Shabaab – Maxaa dhacay maanta?
.