Mareykanka oo Tababar Caalami ah Muqdisho ku siiyay Ciidamo ka tirsan Militariga iyo Booliska AUSSOM
.
Maalinimadii shalay ee 24-kii Sebtembar, 40 xubnood oo ka tirsan ciidamada militariga iyo booliska AUSSOM ayaa magaalada Muqdisho ku soo gabogabeeyey tabobar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa isgaarsiinta iyo howlgallada saameynta leh ee isku-dhafan kaas oo ay bixiyeen macallimiin ka socday Ciidanka Hawgallada Gaarka ah ee Wadajirka ah ee Mareykanka (JSOTF).
Taliyaha ku-simaha ah ee Ciidamada AUSSOM, Sarreeye Guuto Jackson Kayanja iyo taliyaha ku-meelgaarka ah ee booliska AUSSOM, ACP Dr. Samuel Asiedu Okanta ayaa munaasabadii xiritaanka tabobarka ku booriyey xubnihii tabobarka dhameystay in ay dhaqan geliyaan xirfadaha cusub ee ay barteen, xoojiyaan isku-duwidda, xog-wadaagga, isla markaana ay si wax-ku-ool ah ula shaqeeyaan Ciidamada Amniga Soomaaliyeed iyo bulshada deegaanka si Soomaaliya ay u hesho nabad, amni waara iyo xasillooni

0 