
Puntland oo xoog ku soo furatay markab burcad-badeeddu afduubteen bishii August
Puntland ayaa sheegtay inay hawlgal ciidan ku soo furtay markabka shidaalka qaada ee MT Sibu 1, kaas oo koox burcad-badeed Soomaali ah ay afduubteen bishii Agoosto, xilli uu marayay biyaha u dhow xeebaha Yemen.
Saraakiishu waxay sheegeen in ugu yaraan hal burcad-badeed lagu dilay, afar kalena ay ku dhaawacmeen iska horimaadkii dhacay intii ciidamada Puntland ay markabka gacanta ku soo dhigayeen. Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay 15 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha burcad-badeedda.
Dhanka ciidamada Puntland, hal askari ayaa la sheegay inuu dhaawacmay intii uu socday hawlgalka, sida ay sheegeen saraakiisha amniga. Shaqaalaha markab ayaa bad qaba dhamaantood.
MT Sibu 1 waa markab nooca Oil Products Tanker ah, waxaana lagu aqoonsadaa lambarka caalamiga ah ee IMO 9204776. Diiwaannada maraakiibta ayaa muujinaya inuu dhererkiisu yahay ku dhowaad 178 mitir, isla markaana uu hadda ku socdo magaca Sibu 1.
Markabka waxaa saarnaa 20 shaqaale ah, oo ay ku jiraan 16 muwaadiniin Hindi ah. Warbixin ay baahisay Associated Press ayaa sheegtay in shaqaalaha kale ay ka kala yimaadeen Suuriya, Suudaan iyo Ciraaq, halka jinsiyadda hal shaqaale aan markiiba la xaqiijin.


0 



Puntland oo xoog ku soo furatay markab burcad-badeeddu afduubteen bishii August
.