Ceel loo qodayo qaxootiga reer Yemen ee Soomaaliya ku nool

0
Tuesday October 27, 2015 - 15:44:25 in Wararka by
  • Visits: 668
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ceel loo qodayo qaxootiga reer Yemen ee Soomaaliya ku nool

    Wakiilo ka socda Marwada Madaxweynaha iyo Guddiga samata bixinta qaxootiga Yemen ayaa si wadajir ah u dhegax dhigay Ceel loogu tala galay Qaxootiga reer Yemen ee ku nool dhismaha safaaradda Yeman ee Soomaaliya. Mas'uuliyiinta ayaa waxaa gudah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilo ka socda Marwada Madaxweynaha iyo Guddiga samata bixinta qaxootiga Yemen ayaa si wadajir ah u dhegax dhigay Ceel loogu tala galay Qaxootiga reer Yemen ee ku nool dhismaha safaaradda Yeman ee Soomaaliya. Mas'uuliyiinta ayaa waxaa gudaha safaradda Yeman ee Soomaaliya ku soo dhaweeyey safiirka safaaradda Yeman ee Soomaaliya Danjire Maxamed iyo qunsulka Soomaaliya u fadhiya Cadan Axmed Suudaani Maryan Maxamed Xuseen oo ka wakiil aheyd Marwada Madaxweynaha dalka Marwo Qamar Cali Cumar ayaa tilmaamtay in ceelka la dhagax dhigay uu yahay mid loogu talagalay sidii ay biyaha uga cabi lahaayeen Qaxootiga Yemen, kadib markii socdaal ay dhawaan halkaasi ku tegtay oo ay aragtay dhibaatada heysata qaxootiga.

Qunsulka Cadan ee Soomaaliya Axmed Suudaani ayaa tilmamaay in qaxootiga ay qabaan baahiyo badan, waxaana uu ku baaqay in hay’adaha samafalka inay gurmad la soo gaaraan qaxootiga dhismaha Safaaradda Yemen ku nool

Guddoomiyaha guddiga samata bixinta qaxootiga Yeman Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa Yemen ay yihiin kuwa isku mid ah, loona baahanyahay in la caawiyo oo loo fidiyo gurmad dhinac waliba leh, is lamarkaana bulshada ay u istaagto caawinta walaalahood Yemen.

Safiirka dowladda Yeman ee Soomaaliya Danjire Maxamed Shariif Al-sayiddii ayaa uga mahadceliyey Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Qamar Cali Cumar sida ay u garab taagantahay qaxootiga Yemen ee Soomaaliya ku nool, waxaana uu tilmaamay bulshada inteeda kale looga baahanyahay inay ilgaar ah ku eekaan qaxootigan.

Xildhibaan Duniyo Maxamed Cali oo gaba gabadii halkaasi ka hadashey ayaa labada gole ee dowlada ugu baaqday iney usoo gurmadaan qaxootiga reer Yeman, isla marlaana ay iska soo jaraan lacago wax loogu qabanayo Qaxootigan, maadaama ay dalkooda uga soo carareen colaadda ka taagan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip