Sawirro: Xamza oo maanta guddoomiyaya kulankii ugu horreeyay ee guddiga…

0
Sunday August 23, 2026 - 10:15:17 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 45
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Xamza oo maanta guddoomiyaya kulankii ugu horreeyay ee guddiga…

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Sare ee Maamulka Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khataraha Masiibooyinka.

 

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda abaaraha ka jira dalka iyo cabsi laga qabo fatahaado culus oo ay sababaan roobabka Dayrta, kuwaas oo la filayo inay dhowaan ka bilowdaan qeybo ka mid ah gobollada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed laga wacyigeliyo khataraha fatahaadaha, gaar ahaan dadka ku nool deegaannada ku dhow wabiyada iyo dhulka biyo-mareennada ah.

 

Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale tilmaamay baahida loo qabo in la xoojiyo diyaar-garowga iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah, iyadoo la sameynayo qorsheyaal lagu yareynayo khasaaraha ka dhalan kara fatahaadaha iyo abaaraha.

Guddiga Sare ee Maamulka Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khataraha Masiibooyinka ayaa kulanka ku soo bandhigay warbixinno ku saabsan heerka diyaar-garowga dowladda ee ka jawaabista masiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah.

Sidoo kale, guddiga ayaa soo bandhigay qorshe lagu wacyigelinayo bulshada ku nool hareeraha wabiyada iyo dhulka hoose ee halista ugu jira fatahaadaha, si loo yareeyo saameynta ay roobabka xooggan ku yeelan karaan dadka iyo hantidooda.

 

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa faray guddiga inay xoogga saaraan isku-dubbaridka howlaha gurmadka, abaabulka deeq-bixiyeyaasha iyo ganacsatada Soomaaliyeed, si loo taageero loona badbaadiyo dadka ay saameeyaan abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda.

 

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip