
Sidee looga fal-celiyay dib u dhaca doorashada HirShabelle?
Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashada Maamul-goboleedka HirShabelle, kadib markii uu guddiga doorashooyinka shaaciyay in muddo kooban dib loo dhigay waqtiga doorashada.
Guddiga ayaa ku wargeliyay dhammaan daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed in doorashada isku-sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee Dowlad-goboleedka HirShabelle lagu sameeyay dib-u-dhac kooban, si loo dhammaystiro hawlaha muhiimka u ah doorashooyinkaas oo markii hore loo qorsheeyay inay qabsoomaan 20-ka bishan August ee 2026.
Warqad kasoo baxday Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa lagu shaaciyay sababaha dib loogu dhigay doorashada HirShabelle, iyada oo lagu soo koobay saddex qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo kala ah;- 1. Diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha oo weli ka socota afar degmo oo ka tirsan Gobolka Hiiraan. 2. In urrurada siyaasadda loo baahan yahay in la siiyo fursad ay taageerayaashooda ku abaabulaan, si ay si wax-ku-ool ah uga qayb galaan hawlaha doorashooyinka. 3. In urrurada siyaasadda fursad loo siiyo soo gudbinta liisaska musharraxiinta doorashada.
Haddaba sidee looga fal-celiyay dib u dhaca doorashada HirShabelle?.
Yuusuf Jimcaale: "Horay ayaa u sheegay in doorashada golaha deegaanka iyo golaha wakiilada HirShabelle waqtiga aad qabateen aysan ku dhacaynin”.
Aways Yare: "Aaway doorashadii Galmudug ee guddoonka Baarlamaanka iyo tii Madaxtooyadii, tan HirShabelle hanoo dambeysee*.
Maxamuud Goode: "War been baad sheegeysiin wax diiwaangelin ah oo socoto ma jirto”.
Cabdicasiis Guure: "Degmooyinka aadka loogu diyaar garoobayo jadwalkan adib u dhigay waxaa ka mid ah degmooyinka Farlibaax iyo Beledweyne oo shacabka ku nool ay haatan fahmeen una soo wada jeesteen inay kaararka doorashada wada qaataan”.
Cumar Bayle: "Qof aan miyir qabin miyaa waxaan soo qoray? halkee doorasho joogtaa timirtii horaa dab loo waayay maqli jiray”.
Cabdiwahaab Faragaab: "Maxaad dib ugu dhigaysaan awalba kululeysadiina wadateene maa one day is dhaafisaan!”.


0 



Sidee looga fal-celiyay dib u dhaca doorashada HirShabelle?
.