Muungaab oo qaaday tallaabo la xiriirtay cabashooyinka dhulalka Muqdisho

0
Sunday August 23, 2026 - 14:25:27 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 69
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muungaab oo qaaday tallaabo la xiriirtay cabashooyinka dhulalka Muqdisho

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta oo axad ah Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan wadi-tashi ah kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, Sheikh Mukhtaar Roobow Cali, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda, iyo Hoggaanka Midawga Golayaasha Culumada Soomaaliyeed ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta xiisadda dhulalka ee haatan ka taagan gudaha caasimada.Ujeedka kulankan ayaa ahaa in dowladda iyo culumada Soomaaliyeed ay si wadajir ah uga tashadaan maareynta iyo xal-u-helidda cabashada shacabka ee la xiriirta dhulka, xilli ay magaalada Muqdisho ka socdaan dadaallo la sheegay in owladdu ay dib ugu habeynayso dhulalka danta guud iyo Obasiibooyinka ku yaalla qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Inta uu socday kulanka ayaa sidoo kale falanqeyn iyo dood dheer kadib, waxaa kasoo baxay saddex qodob oo xasaasi ah oo ay soo saareen Duqa Muqdisho iyo culumada oo la kulmay, kuwaas oo kala ;-

 

1. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo dhaweeyay talooyinka culumada ee ku saabsan arrimaha dhulka gaarka loo leeyahay, waxaana uu Maamulku hoosta ka xarriiqay in ilaalinta milkiyadda sida gaarka loo leeyahay ay tahay arrin mar waliba mudnaan gooni ah u leh Maamulka, isla markaana aanan marnaba la ogolayn in lagu xadgudbo dhul ay shacab leeyihiin.

2. Midawga Golayaasha Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed waxay qireen in dowladdu ay xaq sharci ah u leedahay maamulidda, bixinta, iyo dib-u-qaabeynta dhulka danta guud iyo Obasiibooyinka, iyadoo la ilaalinayo maslaxadda caamka ah, lana tixgelinayo dadka danyarta ah.

3. Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu caddeynayaa in uu mar walba diyaar u yahay dhegeysiga iyo xal-u-helidda cabashada muwaaddiniinta, arrintaas oo ay u xilsaaran yihiin Guddiyo heer Maamul ah (sida Guddiga Xalinta Khilaafaadka Dhulka), iyo guddiyo gaar ah oo ay ku jiraan Culumaa’udiinka iyo bulshada qeybaheeda kale.

 

Ugu dambeyn, Maamulka Gobolka Banaadir, Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, iyo Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed waxa ay isla qaateen in la joogteeyo iska-war-qabka lana xoojiyo wada-shaqaynta dhexdooda ah oo ku salaysan danta Diinta, Dadka, iyo Dalka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kulanka oo lagu shaaciyay bigga rasmiga ah ee Gobolka Banaadir.

Muqdisho ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad adag oo ka dhalatay howlaha burburinta e dhulalka, waxaana ugu dambeeyay maanta oo shacab fara badan laga barakiciyay xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshood oo xalay saq-dhexe la geeyay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip