
Garsoore Mareykan ah oo buriyay siyaasaddii hakisay fiisooyinka muwaadiniinta 75 dal oo Soomaaliya ku jirto
Garsoore Mareykan ah ayaa Jimcihii, 21-kii Agoosto, buriyay siyaasaddii maamulka Donald Trump ee hakisay fiisooyinka muwaadiniinta 75 waddan, oo ay Soomaaliya ku jirto.
Garsooraha Maxkamadda Degmada Mareykanka ee Manhattan, Janet Vargas, ayaa sheegtay in siyaasadda ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda soo saartay bishii Janaayo ay ka baxsan tahay awoodda sharci ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio.
Vargas waxay sheegtay in siyaasaddan ay tahay mid "si cad u baalmarsan sharciga” isla markaana ay ka hor imanayso sharciga federaalka ee socdaalka, Waxay sidoo kale sheegtay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda uusan awood u lahayn inuu farageliyo habka bixinta fiisooyinka dadka doonaya inay u soo guuraan Mareykanka, kaas oo ay maamulaan saraakiisha qunsuliyadaha.
Garsooraha ayaa go’aankeeda ku sheegtay in siyaasadda guud ahaan lagu hakiyo bixinta fiisooyinka dadka soo galootiga ah iyadoo lagu salaynayo dhalashada qofka codsanaya ay si toos ah uga hor imanayso sharciga.
Tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa xayiraado dhanka fiisaha ah saartay muwaadiniinta dalal ay ka mid yihiin Brazil, Colombia, Uruguay, Bosnia, Albania, Pakistan, Bangladesh iyo Soomaaliya, iyo waddamo kale oo ku yaalla Afrika, Bariga Dhexe iyo gobolka Caribbean-ka.
Afghanistan ayaa sidoo kale ka mid ahayd dalalka muwaadiniintooda laga mamnuucay inay helaan fiisooyinka, Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda saameynta uu go’aanka garsooruhu ku yeelan doono arrimaha socdaalka iyo codsiyada fiisaha ee muwaadiniinta Soomaaliya.
Dad badan oo Soomaali ah ayaa sidoo kale wajahaya xayiraado dhanka fiisaha ah oo ka dhashay amarro kale oo uu soo saaray Madaxweyne Donald Trump.
Dhawaan ayay ahayd markii garsooraha kubadda cagta Soomaaliyeed Cumar Cartan loo diiday inuu galo gudaha Mareykanka, si uu u dhexdhexaadiyo ciyaaro ka tirsan Koobka Adduunka.


0 



Garsoore Mareykan ah oo buriyay siyaasaddii hakisay fiisooyinka muwaadiniinta 75 dal oo Soomaaliya ku jirto
.