Ciidamada ammaanka oo rasaas u adeegsanaya dadka laga barakicinayo xaafadda Tookiyo ee Yaaqshiid.

0
Sunday August 23, 2026 - 09:04:06 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 64
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada ammaanka oo rasaas u adeegsanaya dadka laga barakicinayo xaafadda Tookiyo ee Yaaqshiid.

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Xaalad kacsanaan ah ayaa maanta ka taagan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kaddib markii ciidamada dowladda Federaalka ay howlgal ka bilaabeen xaafadda Tookiyo oo ay ku nool yihiin dad rayid ah.

Wararka laga helayo xaafada ayaa sheegaya in iska horimaad uu dhexmaray ciidamada ammaanka iyo dadka deegaanka, kaddib markii shacabka ay ka mudaharaadeen howlo la sheegay in guryo looga saarayo dadka ku nool xaafadda Tookiyo iyo nawaaxigeeda.

 

Markii ciidamada ammaanka ay isku dayeen inay kala eryaan dibadbaxayaasha, xaaladda ayaa isku beddeshay rabshad, waxaana la maqlay rasaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay jiraan dad waxyeello kasoo gaartay dhacdada, hase yeeshee tirada dadka dhintay ama dhaawacmay weli si madax-bannaan looma xaqiijin.

Muuqaal si weyn loogu faafinayo baraha bulshada ayaa sidoo kale muujinaya askari ka tirsan ciidamada dowladda oo rasaas ku ridaya qof rayid ah, xilli haweeney si cabsi iyo murugo leh uga baryeysa inuusan dilin wiilkeeda.

Dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay dowladda in xoog loo adeegsanayo arrimaha dhulka, iyagoo sheegay in dhulka qaar ay leeyihiin dad si sharci ah u deganaa, islamarkaana halkaasi ay ka guuraan.

Waxaa sidoo kale jira eedeymo sheegaya in qaar ka mid ah dhulalkan ay ganacsato la wareegeen, iyadoo dadka deegaanka ay ku andacoonayaan in dhulka loo doonayo in si degdeg ah loo kala iibsado.

Dowladda Federaalka ayaa horey u sheegtay in tallaabooyinka laga qaadayo dhulalka ay yihiin kuwo la xiriira ilaalinta iyo dib u soo celinta dhulka danta guud, halka dadka deegaanka iyo qaar ka mid ah dadka ay saameysay howlgalladu ay arrinta ku tilmaamayaan barakicin iyo boob dhul.

Dhacdadan ayaa kusoo aadaysa xilli muranka dhulka iyo duminta guryaha ee Muqdisho uu sii xoogeysanayo, iyadoo shacabka ku nool degmooyinka kala duwan ay walaac ka muujinayaan in laga raro guryahooda.

xigasho:-radiorisaala.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip