
Maxaa kala socotaa kooxaha aan Alshabaab iyo Dowlad midna ahayn ee maanta qabsaday Magaalada Marka
.
Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in xaafado ka mid ah Magaaladaasi saaka ay qabsadeen kooxo hubeysan oo aan ka tirsaneyn Al-shabaab,Dowlada iyo maamulka Koofurgalbeed intaba.
Maleeshiyaadkaan hubeysan waxaa la soo sheegayaa inay ka tirsan koox dhaqaan ku dhawaaqday maamul la baxay Koonfur-bari Soomaaliya balse aaney jirin meel lagu doortay iyo cid aqoonsan toona.
Kooxahaani hubeysan oo subixii hore dadku ku wareersanaayeen ayaa la ogaaday dhanka ay ka tirsan yihin markii ay ka taageen Magaalada Marka calan uu ku xardhan yahay magaca aKoonfur-bari Soomaaliya, walina kama hadlin Dowlada iyo Dowlad Goboleedka Koofurgalbeed.
Magaca Maamulkaan waxaa la hadl hayaa inay wataan dhalinyaro ka soo jeeda Beesha Biya-maal oo ka mid ah beelaha ugu tunkan weyn ee deggta Gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaana Magaalada Marka waxayna asal ahaan ka tirsan yihiin Beel weynta Dir.
XIGASHO:-DAYNIILE.COM


0 



Maxaa kala socotaa kooxaha aan Alshabaab iyo Dowlad midna ahayn ee maanta qabsaday Magaalada Marka
.