Dowladda oo shaacisay in la dilay Cabdullaahi Faadhuud iyo Xasan Garabdheere

0
Saturday August 22, 2026 - 14:34:36 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 68
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo shaacisay in la dilay Cabdullaahi Faadhuud iyo Xasan Garabdheere

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal ay Jimcihii ciidamada Macawiisleyda a fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaa

Howlgalka koowaad oo ka dhacay duleedka deegaanka Daaru-nicma ayaa lagu beegsaday goob ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta, waxaana lagu dilay horjooge lagu magacaabi jiray Xasan Xuseen Xuurshow, oo loo yaqaanay Xasan Garabdheere.

Horjoogahan ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka ee deegaannada Cadcaddeey, Cadaan-lexeey iyo Daaru-nicma, kuwaas oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka labaad ayaa sidoo kale isla maalintaas ciidamada Macawiisleyda waxa ay ka fuliyeen deegaanka Tawakal, halkaas oo ay ku dileen horjooge kale oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamuud Odowaa (Faadhuud) 57 sanno jir Khawaarijta u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan Zakawaadka kuna biiray sanadkii 2009-kii.

Wasaaradda Gaashaandhiggu ayaa ugu dambeyn bogaadisay kacaanka shacabka ee ka dhanka ah argagixisada, kaas oo sii xoogeysanaya, iyadoo ciidamada deegaanka ay door muuqda ka qaadanayaan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip