Hogaamiyaha Koofurgalbeed oo dib ugu laabtay Baydhaba +SAWIRRO

0
Thursday August 20, 2026 - 10:03:05 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 36
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyaha Koofurgalbeed oo dib ugu laabtay Baydhaba +SAWIRRO

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo safar shaqo ugu maqnaa Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo.

Hoggaamiyaha iyo wafdiga uu hoggaaminayey ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo, iyadoo soo dhoweynta ay ka qeyb galeen guddoonka Golaha Wakiilada Dowladda Koonfur Galbeed, wasiiro, xildhibaano, saraakiisha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Mahad Maxamed Sheekh oo soo dhoweynta kaddib Hoggaamiyaha siiyey warbixin guud oo ku saabsan xaaladda deegaannada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in xaaladda amniga ay tahay mid wanaagsan, isagoo xusay in weerarkii ay Khawaarijtu dhawaan ku soo qaadeen magaalada Baydhabo lagu gaarsiiyey jab xooggan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay dadaallada ay ciidamada qalabka sida iyo kuwa amniga Koonfur Galbeed ugu jiraan sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo ka hortagga falalka kooxaha Khawaarijta.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed sida diirran ee loogu soo dhoweeyey Magaalada Baydhabo isagoo ku bogaadiyey ciidamada qalabka sida iyo dhammaan hay’adaha amniga dadaallada ay ugu jiraan difaaca shacabka iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed ee la qalday ee ku jira safafka Khawaarijta inay ka soo laabtaan fikirka qaldan, isku soo dhiibaan dowladdooda, kana mid noqdaan dadaallada lagu dhisayo dowladnimada iyo nabadda.

Sheekh Aadan Madoobe Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa caddeeyay in Dowladda Koonfur Galbeed ay diyaar u tahay soo dhaweynta cid kasta oo ka soo laabata marin-habaabinta, isla markaana dooneysa inay qayb ka noqoto nabadda, dowladnimada iyo horumarka dalka.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay Shacabka Magaalada Baydhabo inaysan ku kadsoomin ama qaadan dacaayadaha iyo baraha bulshada lagu faafinayo ee lagu cabsi gelinayo shacabka magaalada, isagoo xusay in shacabka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

DHAMAAD

Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka Dadweynaha Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya .May be an image of one or more people, aircraft, dais and text

May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people, suit, dais and textMay be an image of one or more people, beard and suit




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip