
Boqolaal Soomaali ah oo Mareykanka ku nool oo wajahaya cabsi masaafurin kadib joojinta TPS-ka
Soomaalida ku nool Mareykanka ee haysta Barnaamijka Ilaalinta Ku-meelgaarka ah (TPS) ayaa wajahaya walaac cusub kaddib markii la soo afjaray ilaalinta sharci ee ay barnaamijku siinayay.
Jaylani Hussein, oo madax ka ah hay'adda xiriirka muslimiinta Maraykanka (CAIR) ee Minnesota, ayaa sheegay in dadka tirada yar ee ku jira barnaamijka ay hadda lumin doonaan heerkii ilaalinta sharci ee ay haysteen.
"Waa dharbaaxo culus oo ku dhacaysa bulshada,” ayuu yiri Hussein, isagoo ka digay in tallaabadan ay kordhin karto khatarta dadkaas loogu masaafurinayo Soomaaliya.
Jaylaani Hussein wuxuu sheegay in inkastoo Wasaaradda Amniga Gudaha Mareykanka ay ku doodayso in xaaladaha Soomaaliya ay soo hagaageen, haddana Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay weli Soomaaliya ku dartay dalalka ay bixisay digniinta safarka ee Level 4 – Do Not Travel, taas oo lagu sababeeyay argagixiso, dambiyo rabshado wata, afduub iyo colaado hubeysan.
Arrintaas ayaa ka mid ahayd sababihii dadka qaar ugu dalbadeen TPS, maaddaama barnaamijku siinayay ilaalin ku-meelgaar ah dadka aan si ammaan ah ugu laaban karin dalkooda.
Jaylaani ayaa sheegay in tallaabada hadda la qaaday aysan lama filaan u ahayn hoggaamiyeyaasha Soomaalida, isagoo xusay in TPS-ka Soomaaliya uu cadaadis ku jiray tan iyo dhammaadkii sanadkii hore.
Qiyaasta dadka Soomaalida ah ee weli ku jira TPS-ka ayaa u dhaxaysa 500 ilaa 2,000 qof, sida uu sheegay Hussein.
Minnesota ayaa hoy u ah bulshada Soomaalida ugu badan ee Mareykanka. Si kastaba, inta badan Soomaalida ku nool gobolka iyo guud ahaan Mareykanka waa muwaadiniin Mareykan ah, sidaas darteed joojinta TPS-ku ma khusayso bulshada Soomaalida oo dhan.
Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee Minnesota ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay hadallada kulul ee siyaasadeed ee ku wajahan bulshada Soomaalida, iyagoo sheegay in hadallada noocaas ahi ay sii kordhin karaan cabsida iyo cadaadiska ay dareemayaan dadka aan weli haysan dhalashada Mareykanka


0 




Boqolaal Soomaali ah oo Mareykanka ku nool oo wajahaya cabsi masaafurin kadib joojinta TPS-ka
.