Goorma ayay Somali Airlines dib u bilaabeysa duulimaadka?

0
Tuesday August 18, 2026 - 11:56:58 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 71
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goorma ayay Somali Airlines dib u bilaabeysa duulimaadka?

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Shirkadda diyaaradaha qaranka Soomaaliya ee Somali Airlines ayaa la filayaa inay dib u bilowdo duulimaadyadeeda bisha September 2026 kadib in ka badan 35 sano oo aysan shaqeyn, tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.Agaasimaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallin ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay diyaar-garowga loogu jiro dib u hawlgelinta shirkadda, isagoo xusay in duulimaadyada cusub la filayo inay bilaabmaan bisha soo socota.

Dib u soo noqoshada Somali Airlines ayaa noqon karta tallaabo muhiim ah oo lagu soo celinayo shirkad diyaaradeed oo qaran, iyadoo muddo dheer aysan Soomaaliya lahayn shirkad calankeeda sidata oo si joogto ah uga shaqeysa duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

 

Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa xilligan martigeliya shirkado diyaaradeed oo caalami ah, waxaana ka mid ah Ethiopian Airlines, Qatar Airways iyo Turkish Airlines, kuwaas oo isku xira Soomaaliya iyo dalal badan oo gobolka iyo caalamka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii lasoo dhaafay dhowr jeer shaacisay qorsheyaal lagu soo celinayo Somali Airlines, hase yeeshee waqtiyo kala duwan oo loo qorsheeyay dib u bilaabashada shirkadda ayaa dib u dhacay, taasoo keentay in qorshuhu muddo dheer dib u jiitamo.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii July 2025 ku dhawaaqday inay iibsatay laba diyaaradood oo nooca Airbus A320 ah, kuwaas oo qeyb ka ahaa qorshaha lagu soo noolaynayo shirkadda diyaaradaha qaranka.

 

Heshiiska iibka diyaaradaha ayaa lagu saxiixay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, waxaana xilligaas ku dhawaaqay Wasiirkii Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Faarax Nuux, kaas oo sheegay in diyaaradaha lagu shaqeyn doono magaca Somali Airlines muddo laba bilood gudahood ah.

Bishii October 2025, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa sidoo kale sheegtay in Somali Airlines ay dib u bilaabi doonto howlaheeda ka hor dhammaadka sanadkaas, iyadoo saraakiishu xilligaas tilmaameen in diyaar-garowgu marayay heerarkii ugu dambeeyay.

Somali Airlines waxaa la aas-aasay sanadkii 1964, waxayna muddo dheer ahayd shirkadda calanka u sidda Soomaaliya, iyadoo ka shaqeyn jirtay duulimaadyo gudaha iyo caalami ah.

 

Howlaheeda ayaa hakad galay kaddib dagaalladii sokeeye, waxaana ugu dambeyn si buuxda loo joojiyay sanadkii 1991. Haddii qorshaha hadda jira uu hirgalo, shirkaddu waxay dib ugu soo laaban doontaa hawada Soomaaliya xilli dalka uu wado dadaallo lagu horumarinayo kaabayaasha gaadiidka iyo xoojinta isku xirka Soomaaliya, dalalka gobolka iyo suuqyada caalamka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip