Xasan oo kusii jeeda Gaalkacyo laguna soo dhaweeyay…

0
Monday August 17, 2026 - 14:14:16 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan oo kusii jeeda Gaalkacyo laguna soo dhaweeyay…

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira safarkiisa deegaanada Galmudug ee uu ugu kuur-galayo xaaladaha amniga iyo nolosha bulshada ayaa goordhow gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud, wuxuuna kadib uga sii gudbi doonaa dhanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa salaan la dhex qaaday boqolaal ka mid ah shacabka reer Galinsoor, kuwaasi oo safaf dhaadheer ugu jiray soo dhoweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo goob fagaare ah kula hadlay bulshada reer Galinsoor ayaa ugu baaqay in ay xoogga saaraan ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo wada noolaanshaha bulshada.

 

Waxaa kale oo uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in magaaladu ay noqoto deegaan nabad ah oo ay si walaaltinimo leh ugu wada nool yihiin dhammaan dadka Soomaaliyeed ee wada dega.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ku hoyday magaalada Cadaado oo gelinkii dambe ee shalay lagu soo dhaweeyay, kadib markii uu safar dhinaca dhulka ah uga soo baxay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Socdaalkan ayaa kusoo beegmaya, xilli haatan khilaafka siyaasadeed iyo midka amni ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka uu toddobaadyadii ugu dambeeyay si weyn ugu soo uruuray gobolka Mudug, waxaana Puntland ay maalmo kahor digniin adag kasoo saartay booqashada Madaxweynaha ee magaalada Gaalkacyo, taas oo u muuqata inay dhagaha ka fureysatay Villa Soomaaliya.

 

Si kastaba, Dhacdooyinkan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in muranka siyaasadeed ee Muqdisho iyo Garoowe uu isu beddelo loollan amni oo si toos ah uga dhex muuqda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugaa waxa uu safarka Xasan Sheekh ka beddelo xiisadda taagan oo horay u sababtay inay labada dhinac ku dagaalamaan deegaanno ka tirsan Maamul-goboleedka Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip