
Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo?.
Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, kaddib dagaalkii ka dhacay magaalada ee u dhexeeyay ciidamo iska soo horjeeday.
Waxaa magaalada ka socda kulamo looga hadlayo adkeynta amniga iyo sidii loo xaqiijin lahaa xasilloonida Baydhabo, iyadoo ciidamada ammaanka ay sidoo kale wadaan howlgallo lagu baadi-goobayo maleeshiyaadkii ka qeyb qaatay weerarkii iyo dagaalkii ka dhacay magaalada.
Dhinaca kale, magaalada Baydhabo ayaa laga soo qaaday qaar kamid ah askartii ku dhaawacantay dagaalkii ay la galeen ciidamada taabacsan Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.
Askarta dhaawaca ah ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inay u baahnaayeen daryeel caafimaad oo degdeg ah.
Dagaalkii Baydhabo ayaa sababay khasaare kala duwan oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo shacabka magaalada, iyadoo xaaladda amni ee Baydhabo ay weli tahay mid si dhow loo ilaalinayo.
Ciidamada dhaawacmay ayaa waxaa garab istaag iyo taageero u muujiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mahad Maxamed Sheekh Xasan, kaasoo qayb ka qaatay dadaallada lagu taageerayo askarta ku dhaawacantay dagaalka.
Xaaladda magaalada ayaa hadda u muuqata mid deggan, balse ciidamada ammaanka ayaa weli ku jira howlgallo iyo baaritaanno lagu xaqiijinayo amniga, iyadoo laga cabsi qabo in maleeshiyaadkii dagaalka ka qeyb galay ay ku dhuumanayaan gudaha ama hareeraha magaalada.


0 




Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo?.
.