
Cosoble oo soo saaray digniin ku socota DF kadib markii…
Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa caawa soo saaray digniin culus oo ku socota Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo la xiriirto howlaha burburinta iyo barakicinta shacabka magaalada Muqdisho.Cabdulqaadir Cosoble oo la dareen noqday shacabka deggan xaafadda Buula Axmed Cabdalle ee degmada Kaaraan ayaa eedeymo u jeediyay dowladda, wuxuuna uga digay in la boobo dadka danta yar ee deggan xaafaddaasi.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay haddii aysan dowladda joojin barakicinta in ay la kulmi doonto cawaaqib xumo, isla markaana lala xisaabtami cid kasta oo ku lug leh falalka lagu beegsanayo hantida dadka shacabka ah.
"Waxaan mar kale carrabka ku adkeynayaa in laga fogaado dhaca iyo boobka hantida danyarta ee ku foogan tahay dowlada waqtigedu dhamaaday. Haddii falalkaasi sii socdaan, waxaad kala kulmi doontaan cawaaqib xun,” ayuu yiri Cosoble.
Dhanka kale, waxa uu farriin u diray dadka deegaanka, isagoo ugu baaqay inay is difaacaan, isla markaana dhiidhiyaan dhulboobka lagu hayo.
Wuxuu sidoo kale ugu baaqay shacabka deggan dhulka xaafadda Buula Axmed Cabdalle inay ilaashadaan midnimadooda, isagoo sheegay in isku duubnida bulshada ay muhiim u tahay ka hortagga falalka lagula wareegayo dhulkooda.
"Shacabka Buula Axmed Cabdalle, waxaan ku bogaadinayaa isku duubnidooda iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin inay iska difaacaan kuwa doonaya inay dhacaan dhulkooda. Shacabka waa inay si mideysan u difaacaan xuquuqdooda, ayna adeegsadaan waddo kasta oo ay isaga difaaci karaan tuugada ku gambanaysa magaca dowladnimada,” ayuu mar kale yiri Xildhibaanku.
Si kastaba, Howlgalka burburinta ayaa weli kasii socda xaafadaha Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay xaafadda Buulo Eelaay ee degmada Waabari iyo shacabkii deganaa aagga isgoyska Jubba ee degmada Shibis oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay laga saaray guryahooda, kadibna dhulka lala simay.


0 



Cosoble oo soo saaray digniin ku socota DF kadib markii…
.