
Daawo: Madaxweyne Xasan oo iclaamiyey in la joogo xilligii bixitaanka ciidanka shisheeye
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta kumannaan askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed tababar ugu soo xiray deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, ayaa ka hadlay arrimo ku aaddan amniga, xilli la filayo inay dalka ka baxaan ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in la joogo waqtigii ay amniga dalka hanan lahaayeen Ciidamada Qalabka Sida, loona baahan yahay inay muujiyaan dadaal dheeri ah iyo mas’uuliyad qaran, si ay ula wareegaan amniga.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhawaan la macasalaameyn doono ciidamada shisheeye ee muddada dheer howlgalka nabad-ilaalinta u joogay dalka, isaga oo si weyn ugu mahadceliyay.
"Caalamka iyo saaxiibada waa na kaalmeeyeen, laakiin waqtigeennii ayaa la joogaa oo aan mas’uuliyaddeenna qaadi lahayn. Sidoo kale, waxaa la joogaa waqtigii ciidamada ku sugan dalka aan ubax qurux badan siin lahayn oo aan dhihi lahayn, ‘Walaalayaal, waa mahadsan tihiin,’” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxaa kale oo uu bogaadiyay ciidamada maanta loo soo xiray tababarka, kuwaas oo uu tilmaamay in muddo dheer loo carbinayay Xoogga Dalka, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay inay wax weyn ku soo kordhin doonaan dalka.
"Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa idinku soo kordhay xoog aan la dhayalsan karin. Ma aha tababar Soomaaliya gudaheeda lagu tababaray oo keliya; muddadii ugu dheereyd ee ciidan la tababaro ayay soo galeen tababar, takhasusyo kala duwanna way soo qaateen,” ayuu sii raaciyay.
Ciidamadan ayaa dhammaystay tababarka aasaasiga ah ee ciidanka, kadib muddo ku dhow hal sano oo ay tababar ku qaadanayeen deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.
Ciidamadan, oo laga soo qoray dhammaan gobollada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa noqonaya ciidamadii ugu badnaa ee tababar heerkan ah ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii dalka, iyaga oo qaatay duruus iyo tababbarro ciidan oo dhammaystiran, kuwaas oo ku saabsanaa xirfadaha ciidanka, anshaxa iyo xeerka ciidanka, xeeladaha dagaalka iyo aqoonta lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadka qaran.
Cutubyadan ayaa loo diyaariyay inay xoojiyaan Ciidanka Xoogga Dalka ee haatan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ka wada deegaanno ka tirsan Galmudug iyo gobollada kale ee dalka.
Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli dowladda federaalka ay xoogga saareyso dhismaha iyo tayeynta ciidamada qaranka, si tartiib-tartiib ahna loogu wareejiyo mas’uuliyadaha amni ee ay hadda qeyb ka yihiin ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
AUSSOM ayaa Soomaaliya ka billowday howlgalkiisa Janaayo 2025, kadib markii uu beddelay howlgalka ATMIS, waxaana waajibaadkiisa ugu weyn kamid ah taageeridda ciidamada Soomaaliya, la-dagaallanka Al-Shabaab iyo fududeynta in mas’uuliyadda amniga si tartiib ah loogu wareejiyo ciidamada dowladda.
Oggolaanshaha hadda ee howlgalka AUSSOM wuxuu ku egyahay 31-ka December 2026, inkastoo muddadaas la kordhin karo haddii xaaladda amni iyo go’aannada Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay sidaas noqdaan.
Sidaas darteed, qorshaha bixitaanka ciidamada shisheeye wuxuu si weyn ugu xiran yahay awoodda ciidamada Soomaaliya ay u yeeshaan inay la wareegaan goobaha iyo waajibaadka ay hayaan ciidamada Midowga Afrika.


0 



Daawo: Madaxweyne Xasan oo iclaamiyey in la joogo xilligii bixitaanka ciidanka shisheeye
.