
Sanbaloolshe: In Shabaab lala safto ma aha arrin la aqbali karo
Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo qoraal soo saaray ayaa ka fal-celiyay dagaalkii maanta magaalada Baydhabo, kaas oo la sheegay inay ka qayb-qaateen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo "la saftay ciidanka taabacsan Lafta-gareen”, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.
Intaas kadib, waxaa soo hadlay Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo hadda kamid ah xubnaha mucaaradka, kaas oo shaaca ka qaaday in mucaaradnimadu tahay xaq siyaasadeed oo dastuuri ah, balse aan la aqbali karin in Khawaarijta lagu garab siiyo dagaalka ay kula jirto dowladda Soomaaliya.
Waxaa kale uu intaas kusii daray "Haddaba, gunaanadkeygu waa in qof, koox ama qabiil midna u heli karin wax cudurdaar ah inuu Al-Shabaab garab siiyo, ku taageero ama u fududeeyo falalkooda argagixiso. Yaan loo ogolaan guul stratijiyadeed AS”.
Sanbaloolshe ayaa sidoo kale farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan argagixisada, ayna garab siiyaan Ciidamada Qalabka Sida ee ku jira halganka adag.
Si kastaba, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Cabdicasiis Lafta-gareen oo ku aadan edeynta loo jeediyay, kadib dagaalkii maanta ee Baydhabo, kaas oo dib loogu celiyay maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.


0 



Sanbaloolshe: In Shabaab lala safto ma aha arrin la aqbali karo
,