DF oo shaacisay in ciidanka Laftagareen ay adeegsadeen gaadiid qaraxyo lagu soo raray

0
Monday August 17, 2026 - 10:37:39 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 73
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DF oo shaacisay in ciidanka Laftagareen ay adeegsadeen gaadiid qaraxyo lagu soo raray

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Baydhabo, iyada oo sheegtay in weerarka ay soo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo ciidamo taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.Wasaaradda ayaa weerarka ku tilmaamtay mid argagixiso, waxayna shaacisay in maleeshiyaadka duulaanka soo qaaday ay adeegsadeen gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa, balse ay fashiliyeen ciidamada ammaanka, isla markaana ay gaarsiiyeen khasaare culus.

"Abaaro 5:00 subaxnimo, fariisimo ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku leeyihiin magaalada Baydhabo waxaa weerar ku soo qaaday maleeshiyada isugu jira Al-Shabaab iyo kuwa taabacsan Cabdicasis Laftagareen, kuwaas oo weerarka u adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si xirfad iyo geesinimo leh uga hortagay weerarka, iyagoo fashiliyay qorshihii kooxaha weerarka soo qaaday ee ahaa inay qalqal geliyaan amniga iyo xasilloonida magaalada Baydhabo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

 

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa shaacisay in howlgalka lagu dilay ugu yaraan illaa 30 ka tirsanaa ragga weerarka soo qaaday, lagana furtay hub iyo gaadiid dagaal, sida lagu caddeeyay warsaxaafadeedka.

"Intii uu socday iska-horimaadka, Ciidanka XDS ayaa dilay ku dhowaad 30 ka mid ah maleeshiyadkii weerarka soo qaaday, halka qaar kalena nololsha lagu qabtay. Ciidammada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub iyo gaadiid ay wateen kooxihii weerarka soo qaaday,” ayuu kusii daray qoraalka l.

Dhanka kale Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weli sii wada howlgal lagu xaqiijinayo amniga magaalada, laguna baacsanayo firxadka maleeshiyadka weerarka soo qaaday oo la sheegay inay ku dhuumaalaysanayaan qeyb ka mid magaalada Baydhabo.

 

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaashaandhigga waxa ay sheegtay in shacabka Soomaaliyeed ay la wadaagi doonto faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarka iyo natiijada howlgalka marka uu soo gabagaboobo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip