Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo weerar culus ku qaaday Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubadda hoose

0
Tuesday October 27, 2015 - 13:03:56 in Wararka by
  • Visits: 703
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo weerar culus ku qaaday Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubadda hoose

    Xoogaga Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe, waxa ay weerar dagaal oo culus ay ku qaadeen Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubadda hoose oo ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya ee howlgalka Amisom ka mid ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe, waxa ay weerar dagaal oo culus ay ku qaadeen Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubadda hoose oo ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya ee howlgalka Amisom ka mid ah. Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu ahaa mid culus oo ku dhawaad saacad qaatay, iyadoo ciidamada Kenya ay si adag isaga difaacayeen Shabaabka weerarka dagaalka ah ku soo qaaday.

Rasaas iyo qoryo culus oo la isweydaarsanaayay ayaa laga maqlaayay gudaha Degmada Badhaadhe, taasi oo dareen cabsi ah ku abuurtay Bulshada Degmadaasi ku nool.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Badhaadhe, ayaa sheegay ciidamo ka tirsan Shabaabka inay soo galeen xaafado ka mid ah Degmada Badhaadhe oo ay ka dagaalamayeen, waana midaasi tan keentay culeyska dagaalka.

Lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee dhinacyada dagaalamay soo kala gaaray, maadaama xilliga dagaalka uu dhacaayay ay aheyd xilli habeen ah, sidoo kalena aanan si buuxda xogtooda loo heli karin khasaaraha soo gaaray labada dhinac.

Xaalada Degmada Badhaadhe ayaa saaka ah mid degan, iyadoo ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ee Degmadaasi ku sugan ay ku baxeen saaka duleedka Degmada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip