Daawo: Saciid Deni oo guul wayn ka sheegtay dagaalkii Gaalkacyo

0
Wednesday August 05, 2026 - 14:42:44 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 74
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Saciid Deni oo guul wayn ka sheegtay dagaalkii Gaalkacyo

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo shir jaraa’id qabtay ayaa si kulul uga hadlay dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Gaakacyo, kaas oo u dhexeeyay ciidamada ammaanka Puntland iyo kuwa PSF-ta ee taabacsan dowladda SoomaaliyaSaciid Deni ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkaas oo ay qaadeen ciidamada Puntland lagu soo afjaray xero uu sheegay in laga soo abaabulayay amni darrada oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada taabacsan dowladda dhexe.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in howlgalkan ee ay guusha ka gaartay Puntand uu yahay farriin ku socota cid kasta oo kasoo horjeedo nidaamka dowliga ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale farriin u diray ciidamada la sheegay in Dowladda Federaaka ay ka qoratay deegaannada maamulkaas, isaga oo ugu baaqay inay isa soo dhiibaan, kuna biiraan ciidamada Daraawiishta.

"Puntand ciidanka jooga waa ciidanka Puntland maanta, ciidan kale oo ka jiraa ma jiraan, waxaan rabaa in dhalinyaradaas ay ciidamada dowladda Puntland kamid noqdaan isu soo dhiibaan, nidaamka dowliga ahna raacaan,” ayuu raaciyay.

"Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta si guul leh u soo gabagabeeyey hawlgal amni oo qorshaysnaa kana dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxo hubaysan oo ku sugnaa magaalada, kuwaas oo falalkoodu khatar ku ahaa amniga iyo kala dambeynta. Hawlgalka ayaa lagu soo qabtay saraakiishii hoggaaminaysay kooxaha hubaysan, waxaana ka mid ah Giijaale Cabdi Baydhabo, Taliyihii maleeshiyaadka Gaalkacyo. Baariyoow, ku-xigeenkiisii Mahad Mowliid, iyo shakhsigii u qaabilsanaa maamulka xogta (Database) ee Booliska Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in nolosha lagu qabtay ilaa 101 eedeysane iyo 60 kale oo dhaawacyo ah, kuwaas oo hadda ku jira gacanta Puntand.

Waxaa kale oo Puntland ay sheegtay in howlgalka lagu qabtay hub, gaadiid iyo agab ciidan oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin tuutayaal Boolis, qoryo, rasaas, jeebbooyinka gacanta lagu xiro (handcuffs), kabaha Booliska iyo agab kale oo ay ku jiraan qalab ka mid ah deeqihii Dawladda Shiinaha ugu deeqday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 
XIGASHO:-CAASIMADDA.NET

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip