
Sucuudiga oo la wareegay hoggaanka Golaha Badda Cas, Soomaaliya-na kala hadlay amniga marin-biyoodka
Sucuudiga ayaa haatan si rasmi ah ula wareegay hoggaanka Golaha Dalalka ku Teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo ay xubno ka yihiin Soomaaliya, Masar, Jabuuti, Eritrea, Jordan, Sudan iyo Yemen.
Wararka la xiriira dib u firfircoonida golahan ayaa muujinaya in Riyadh ay hadda waddo dadaal ay ku doonayso in ay si buuxda gacanta ugu dhigto ajandaha amniga Badda Cas, xilli gobolka uu wajahayo tartan xooggan oo saameyn iyo istaraatiijiyad badeed ah.
Tallaabadan ayaa sidoo kale loo arkaa mid meesha ka saaraysa saameyntii Imaaraadka Carabta ee marin-biyoodka muhiimka ah, iyadoo Abu Dhabi ay ka muujisay caro ku aaddan jihada cusub ee golaha.
Xiisaddan cusub ee ka dhex muuqata quwadaha Khaliijka ayaa kusoo beegmaysa iyadoo uu sii xoogeysanayo iskaashi kale oo ay qeyb ka tahay Itoobiya, taasoo ka dhigaysa Badda Cas iyo marinadeeda goob uu ka socdo loollan siyaasadeed, amni iyo dhaqaale oo sii ballaaran.


0 




Sucuudiga oo la wareegay hoggaanka Golaha Badda Cas, Soomaaliya-na kala hadlay amniga marin-biyoodka
.