Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha PSF

0
Sunday July 05, 2026 - 10:50:52 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 129
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha PSF

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Korneyl Saciid Cabdirisaaq, oo ah Taliyaha Ciidanka PSF ee Puntland, kuwaas oo qayb ka ah ciidamada ka howlgala deegaannada maamulka Puntland.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, taas oo maalmahan dambe sii xoogeysatay.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay muddooyinkii u dambeeyay ciidamo ka qoraneysay deegaannada Puntland, arrintaas oo maamulka Puntland si kulul uga hadlay marar kala duwan, kana muujiyay walaac ku aaddan qaabka ay wax u socdaan.

Sidoo kale, maalmihii la soo dhaafay waxaa warbaahinta isku marinayay hadallo adag iyo erayo xanaf leh madaxda sare ee dowladda Federaalka iyo kuwa Puntland, kuwaas oo sii huriyay xiisadda siyaasadeed ee labada dhinac.

Qaabilaadda Madaxweyne Xasan Sheekh uu u sameeyay Taliyaha PSF ayaa kusoo beegmeysa xilli isha lagu hayo xiriirka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland, gaar ahaan arrimaha la xiriira amniga, ciidamada iyo wada shaqeynta heer federaal iyo heer maamul goboleed




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip