DF oo wado qorshe looga hortagayo khataraha ka dhalan kara fatahaadda El Niño

0
Saturday July 04, 2026 - 10:07:09 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 85
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DF oo wado qorshe looga hortagayo khataraha ka dhalan kara fatahaadda El Niño

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

DF oo wado qorshe looga hortagayo khataraha ka dhalan kara fatahaadda El Niño — SONNA

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan midho-dhal ah ka yeeshay xoojinta wada shaqeynta dowladda ee ka hortagga iyo u diyaar-garowga khataraha ka dhalan kara saamaynta El Niño.

 

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray adkeynta isku-duwidda dadaallada lagu wajahayo saameynta abaaraha, fatahaadaha iyo dabeylaha xooggan ee la saadaalinayo inay dalka ka dhacaan xilliyada soo socda, kuwaas oo la xiriira saamaynta El Niño.

 

Ugu dambeyn, labada mas’uul ayaa isla falanqeeyay heerka diyaar-garowga hay’adaha dowladda, sidii loo xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha ay khuseyso, iyo dejinta qorsheyaal wax ku ool ah oo lagu yareynayo saameynta isbeddelka cimilada iyo khataraha ka dhalan kara roobabka xilliga Dayrta, si loo ilaaliyo nolosha shacabka, kor loogu qaado wax-soo-saarka beeraha, loona xaqiijiyo sugnaanta cuntada dalka.

IMG_2625.jpeg
IMG_2626.jpeg
IMG_2623.jpeg
IMG_2624.jpeg
IMG_2628.jpeg
IMG_2629.jpeg
IMG_2630.jpeg
XGASHO:-SONNA.SO


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip