Madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxtooyada qaranka ku qaabilay Duqa magaalada ST. LOUIS PARK ee dalka Mareykanka

0
Saturday July 04, 2026 - 08:46:48 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 71
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxtooyada qaranka ku qaabilay Duqa magaalada ST. LOUIS PARK ee dalka Mareykanka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay gabadha soomaaliyed ee Naadiya Maxamed oo ah Duqa Magaalada St. Louis Park, Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, taasi oo dhowaan dalka soo gaartay.

 Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Guddoomiye Naadiya ku bogaadiyey guulaha iyo doorka muuqda ee ay ka gaartay hoggaaminta iyo ka qaybgalka siyaasadda dalka ay ku nooshahay, isaga oo tilmaamay in guulaha noocaas ahi ay ka tarjumayaan kartida, dadaalka iyo kaalinta wax-ku-oolka ah ee bulshada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin horumarka caalamka.

 Madaxweynaha ayaa Guddoomiye Naadiya kula dardaarmay in ay xoogga saarto ka qayb qaadashada xoojinta xiriirka soo jireenka ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Mareykan iyo sare u qaadidda kaalinta ay qurba-joogtu ku leeyihiin dib u dhiska dalka, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta maalgashiga.

 Dhankeeda, Duqa Magaalada St. Louis Park, Marwo Nadia Mohamed ayaa uga mahadcelisay Madaxweynaha soo dhoweynta diirran, waxayna adkaysay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka, dhiirrigelinta iskaashiga iyo taageeridda dadaallada lagu horumarinayo Soomaaliya, iyada oo tilmaantay in ay lama filaan ku noqotay amniga iyo horumarka ka socda caasimadda dalka ee Muqdisho.

IMG_2620.jpeg
IMG_2619.jpeg
IMG_2618.jpeg
IMG_2617.jpeg
IMG_2616.jpeg

Madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxtooyada qaranka ku qaabilay Duqa magaalada ST. LOUIS PARK ee dalka Mareykanka




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip