
Daawo: Xasan oo weeraray saaxibadiisii ku biiray mucaaradka
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hadal siiyay warbaahinta ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiintii ka baxay garabkiisa ee ku biiray mucaaradka kasoo horjeedo dowladda ee haatan dhaq-dhaqaaqyada ka wada Muqdisho.
"Kuwa qaarkood ee marna dowladda usoo cararayo marna inta dowladda diidan usii cararaya waxaa la yiri hasha labada geel jecel dhexda ayaa dhurwaa ku cunaa waa macno beelayseen mowqif yeelo,” ayuu yiri Xasan.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya waxa dib u dhigay ay tahay siyaasadda qofeysan, isla markaana loo baahan yahay in laga gudbo.
"Siyaasadeenna waa qofeysan tahay waxaan rabnaa qofka inaan ka saarno dowladnimada xooggan oo hana qaada oo shaqeyso intaas ayaa naga xigto,” ayuu mar akle yiri Madaxweynuhu.
"Waxaan maanta dhageystay oday Xasan oo dhaliilaya dhaqankii siyaasadeed ee uu isagu ku caan baxay ee ku dhisnaa daacadnimo kiraysan, isagoo isu muujinaya nin u taagan siyaasad mabda’ ku dhisan. Waxaase yaab leh inuu weli cid kale ku dhaliilayo dhaqan siyaasadeed uu isagu oday u yahay oo ah siyaasadda qofaysan.” ayuu ku jawaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.


0 



Daawo: Xasan oo weeraray saaxibadiisii ku biiray mucaaradka
.