DF SOOMAALIYA oo kaarka NIRA geysay dalka Kenya + Sawirro

0
Friday March 27, 2026 - 15:55:57 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 71
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DF SOOMAALIYA oo kaarka NIRA geysay dalka Kenya + Sawirro

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa laga hirgeliyay xafiis ay yeelaneyso Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), si loo fududeeyo adeegyada aqoonsiga ee la siinayo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

 

Xafiiskan cusub ayaa waxaa si rasmi ah uga daahfuray xarunta safaaradda Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) Cabdiweli Cali Cabdulle.

 

 

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta safaaradda ee magaalada Nairobi ayaa waxaa ka qeyb-galay diblomaasiyiinta safaaradda iyo mas’uuliyiin kale.

Maareeyaha Hay’adda NIRA, Cabdiweli Cali Cabdulle ayaa munaasabadda ka sheegay in hay’addu ay ballaarisay adeegyada ay bixiso, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda ku nool ay u helaan adeegyada aqoonsiga iyo diiwaangelinta. Wuxuu xusay in safaaradda Soomaaliya ee Kenya ay noqoneyso safaaraddii 30-aad ee laga hirgeliyo xafiis NIRA ah.

Sidoo kale, Maareeyaha ayaa tilmaamay in xafiiskan cusub uu fududeyn doono helitaanka kaarka aqoonsiga qaranka, isla markaana uu yareyn doono baahida loo qabo in muwaadiniintu dalka gudihiisa u safraan si ay u helaan adeegyada aqoonsiga.

 

 

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa isna sheegay in furitaanka xafiiskan uu muhiim u yahay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, kuwaas oo hadda fursad u heli doona inay si toos ah safaaradda uga qaataan kaarka aqoonsiga qaranka.

Jibriil ayaa xusay in safaaraddu ay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo adeegyada ay u hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya inay ka faa’iideystaan adeegyada ay bixineyso Hay’adda NIRA.

Si kastaba, kaarka aqoonsiga qaranka ayaa muhiim u ah muwaadinka, waxaana dhawaan dowladda Soomaaliya ay waajib ka dhigtay qaadashada kaarkan oo ay ku xirtay adeegyada hay’adaha dowladda iyo shirkadaha sida gaarka ah ee loo yahay, iyada oo fartay in aysan u adeegin qof aan wadan kaarka NIRA.

 

 

Tallaabadan ayey dowladdu ku sheegtay mid qayb ka ah dadaalka qaran ee lagu doonayo in lagu casriyeeyo maamulka guud, laguna tayeynayo adeegyada bulshada, iyadoo lagu xoojinayo amniga, laguna xaqiijinayo in Soomaali kasta si sax ah loo aqoonsado loona diiwaan-geliyo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip