
Dagaalka Iran, Mareykanka iyo Israa'iil oo Sii Fidaya; Tehran oo Diiday Wadahadal
Mas’uul sare oo ka tirsan Iran oo lagu magacaabo Cali Lariijaani, ayaa si cad u sheegay in dalkiisu "aanu la xaajoon doonin Mareykanka,” xilli dagaalka u dhexeeya Iran, Mareykanka iyo Israa'iil uu sii xoogeysanayo. Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu Lariijaani ku eedeeyay Madaxweyne Donald Trump inuu gobolka ku riday qalalaase, isaga oo sheegay in Iran ayna bilaabin gardarrada balse ay is-difaacayso.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Caraqchi, ayaa sheegay in Mareykanku uu ka laabto waxa uu ku tilmaamay "dalabyo xad-dhaaf ah” si wada-hadallada nukliyeerka ay u miro dhalaan. Isagoo ka hadlayay dadaallada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Tehran iyo Washington, ayuu xusay in guusha wada-xaajoodyadu ay ku xidhnaan doonto "daacadnimo iyo xaqiiqo-ogaalnimo” laga muujiyo dhinaca kale, isla markaana laga fogaado khaladaad xisaabeed iyo shuruudo adag oo carqaladeyn kara heshiis la gaadho.
Hadalkan ayaa yimid iyadoo duqeymo culus ay ka socdaan gudaha Iran, kuwaas oo sababay qaraxyo waaweyn oo ruxay daaqadaha guryaha Tehran. Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Iran, in ka badan 200 oo qof ayaa ku dhintay weerarrada tan iyo markii ay bilaabmeen duqeymaha wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israa'iil.
Mareykanka iyo Israa'iil ayaa badhtilmaameedsaday xarumaha gantaallada ballistic-ga, saldhigyada ciidanka cirka iyo maraakiibta dagaalka Iran. Militariga Mareykanka ayaa sheegay in diyaaradaha qarsoon ee B-2 ay ku garaaceen goobo muhiim ah bambooyin culus oo 2,000 rodol ah. Madaxweyne Trump ayaa dhankiisa ku faanay in sagaal markab oo Iran leedahay la quusiyay, xaruntii ciidanka baddana si weyn loo burburiyay.
Dagaalka ayaa si degdeg ah uga gudbay xuduudaha Iran iyo Israa'iil, isagoo gaadhay dalal kale oo gobolka ah. Iran ayaa gantaallo ku weerartay Israa'iil iyo dalal Carbeed, taasoo sababtay dhimashada saddex askari oo Mareykan ah oo ku sugnaa Kuwayt — kuwaas oo noqday khasaaraha ugu horreeya ee Mareykanka ka soo gaadh colaaddan. Israa'iil ayaa sheegtay in weerarro lagu qaaday Qudus iyo magaalooyin kale ay ku dhinteen 11 qof.
Dhanka Khaliijka, Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Kuwayt ayaa sheegay in gantaallo iyo diyaarado daroon ah oo Iran ka yimid ay ku dhaceen goobo rayid ah. Sidoo kale, Qubrus ayaa xaqiijisay in daroon lagu weeraray saldhig British ah kadib markii Britain ogolaatay in Mareykanku ka faa’iideysto saldhigyadeeda.
Ururada hubeysan ee taageersan Iran ee Ciraaq iyo Lubnaan ayaa iyaguna ku biiray dagaalka. Maleeshiyada Shiicada ee Ciraaq qaarkood ayaa sheegtay inay weerareen saldhig Mareykan ku leeyahay Baqdaad, halka Xisbullah ay gantaallo ku garaacday Israa'iil, taasoo keentay duqeymo cusub oo Israa'iil ka fulisay Beirut. Dowladda Lubnaan ayaa ka digtay in dalku mar kale ku laabto dagaal baahsan.



0 


Dagaalka Iran, Mareykanka iyo Israa'iil oo Sii Fidaya; Tehran oo Diiday Wadahadal
.