Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay ka degay dalka Sacuudiga + Sawirro

0
Tuesday October 27, 2015 - 11:50:02 in Wararka by
  • Visits: 735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay ka degay dalka Sacuudiga + Sawirro

    Magaalada Riyad ee wadanka Sacuudiga waxaa xalay ka degay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ay halkaasi ku soo dhoweeyeen madax ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Riyad ee wadanka Sacuudiga waxaa xalay ka degay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ay halkaasi ku soo dhoweeyeen madax ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah madaxda Dowladda Sacuudiga, iyadoo saacadaha soo socdana la filayo inay kulamo kala duwan la yeeshaan boqorka dalkaasi Boqor Salmaan.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa yimid kaddib markii boqorka Sacuudiga uu casuumaad ka helay, iyadoo la filayo inuu magaalada Riyad ka furmo shir looga hadlayo arrimaha argagixisada iyo la dagaalanka kooxaha Xuutiyiinta ah ee dagaalada ka wada dalka Yemen.

Dhinaca kale kulankaan ayaa madaxda dalalka ay waxay go’aano wadajir ah ka soo saarayaan arrimaha dalalka Khaliijka ka taagan oo ay ugu horeeyaan Al-Qaacida iyo Xuutiyiinta Yemen sidii loo xoojin lahaa dagaalada lagula jiro iyo taageerada dalalka ay Soomaaliya ka mid tahay.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip