Muqdisho City Club iyo Horseed Sports Club oo Diyaar u ah Final-ka Tartanka Jaranaal Daa'uud

0
Sunday February 01, 2026 - 14:47:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho City Club iyo Horseed Sports Club oo Diyaar u ah Final-ka Tartanka Jaranaal Daa'uud

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed (SFF) ayaa si rasmi ah ugu wargeliyey kooxaha Muqdisho City Club iyo Horseed Sports Club ee ka qeyb galaya Final-ka Tartanka Jaranaal Daa’uud, kaasoo ka dhici doona maalinta Isniinta, 02/Febraayo/2026 magaalada Muqdisho.

Warqadda kasoo baxday xiriirka ayaa waxa ay ka timid guddoomiyaha XSKC Cali Shiino waxaana lagu caddeeyey qorshaha ciyaarta iyo xeerarka cusub ee lagu soo kordhiyey.

Sida lagu sheegay wargelinta, haddii ciyaarta Final-ka ay ku dhamaato barbar dhac 90 daqiiqo ah, waxaa lagu dari doonaa 30 daqiiqo oo dheeri ah, oo loo qeybiyo labo Half-time min 15 daqiíqo.

Haddii labada kooxood ay barbar dhac noqdaan, waqtiga dheeraadka, guusha waxaa lagu go’aamin doonaa Gool ku laad (Penalty Kick).

Tani ayaa qeyb ka ah dadaalka SFF ee ku aaddan in ciyaaraha Final-ka ay noqdaan kuwo cadaalad iyo xiiso leh.

Guddoomiyaha XSKC ayaa sidoo kale ku booriyay kooxaha inay ilaaliyaan waqtiga ciyaarta, isla markaana la socdaan isbeddelada lagu soo kordhiyey tartanka.

Waxa uu xusay in nidaamkan cusub uu muhiim u yahay sidii tartanku u dhici lahaa si hab qurux badan oo tartan leh, isla markaana uu u dhiirrigelinayo ciyaartoyda inay bixiyaan dadaalkooda ugu fiican.

Warqadda SFF ayaa sidoo kale looga mahadceliyay dhammaan kooxaha ka qeyb galay tartamada kala duwan ee dalka, iyadoo xustay kaalinta ay kooxahani ka qaateen horumarinta kubadda cagta Soomaaliyeed, Waxaa la tilmaamay in taageerada iyo ka qeyb galka kooxaha ay muhiim u tahay kobcinta xirfadaha ciyaartoyda iyo kobcinta tartamada gudaha dalka.

Ugu dambeyn, taageerayaasha kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa lagu dhiirrigeliyay inay ka soo qeyb galaan ciyaarta Final-ka, oo loo arko mid ka mid ah dhacdooyinka ugu waaweyn ee ciyaaraha Soomaaliya ee sannadkan.

Muqdisho City Club iyo Horseed Sports Club oo Diyaar u ah Final-ka Tartanka Jaranaal Daa’uud




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip