Ma awoodaa daqiiqado ka mid ah waqtigaaga qaaliga ah inaad bixiso, aan kula wadaage maqaal Cilmi & Cibroba xambaarsan?

0
Tuesday October 27, 2015 - 11:41:56 in Maqaallo by
  • Visits: 2177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ma awoodaa daqiiqado ka mid ah waqtigaaga qaaliga ah inaad bixiso, aan kula wadaage maqaal Cilmi & Cibroba xambaarsan?

    Alle(SWC) waxuu inoo sheegay in Rusushiisa qaarkood ka fadilay qaarka kale, bisha 'Ramadaan' ka fadilay bilaha kale, habeenka 'Laylatul Qadar' ka fadilay habeenada kale, masaajidyada dhulka ku yaala ka fadilay labada Masaajid ee &

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alle(SWC) waxuu inoo sheegay in Rusushiisa qaarkood ka fadilay qaarka kale, bisha 'Ramadaan' ka fadilay bilaha kale, habeenka 'Laylatul Qadar' ka fadilay habeenada kale, masaajidyada dhulka ku yaala ka fadilay labada Masaajid ee ' Masjidka Xaramka iyo Al-Aqsa, dhulka oo dhan ka fadilay magaalada 'Makka' . Sidoo kale, Suurada' Al- Faatixa' ka fadilay Suuradaha Quraanka, 'Aayatul Kursi' Aayada ugu wayn Quraanka u doortay. Magaca (الله) waa magaca ugu badan ee ku soo noqnoqday Quraanka Kariim. Lambarka(numberka) ugu soo noqnoqoshada badan Quraanka Kariim waa واحد hal(1). Labadaas tilmaamood waxay cadayn u yihiin in Alle kali yahay, Quraankana yahay Hadalkiisa.

waxaa ku xiga lambarka سبعة todobo(7) oo ah lambarka labaad ee ugu soo noqonoqda badan Quraanka.
Dhinaca lambarada(numberada) Quraanka lagu xusay hadii aan eegno , oo aan si qota dheer aan u darisno, waxaan shaki ku jirin in Alle wayne lambarkaas ka fadilay kuwa kale. Waxaa hadaba su’aal ah sirta u qarsoon lambarka (7) maxay tahay? Maxaa meela badan tusaale ahaan loogu soo qaatay Quraanka Kariimka?Aan ku bilowno dhinaca Koonka.

Lambarka 7 iyo koonka


___________________
1) Markuu Alle(SWC) uu bilaabay abuurida Samooyinka iyo Dhulka wuxuu doortay qawaaninta xisaabaadka. Waxa uu doortay lambarka todobo(7.) waxuu Alle abuuray todobo Samo iyo todobo Dhul.
يقول عزَّ وجلَّ: (اللَّهُ الَّذِي خَلَقَ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ وَمِنَ الْأَرْضِ مِثْلَهُنَّ يَتَنَزَّلُ الْأَمْرُ بَيْنَهُنَّ لِتَعْلَمُوا
أَنَّ اللَّهَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ وَأَنَّ اللَّهَ قَدْ أَحَاطَ بِكُلِّ شَيْءٍ عِلْماً) [الطلاق: 12/ 65
2) Culimada Saynisyahanada waxay ogaadeen in lakabyada dhulka( Earth layers) ka koobanyahay ay yihiin todobo(7) lakab, sida sawirka aad ku aragto.
Quraanka Kariimka ayaa inoo sheegay 1437 sano hor iyadoo cid ogaan kartay xilligaa aysan jirin sida ku cad Aayada kor ku xusan [الطلاق: 65/12
3) Saynisyahana waxay soo ogaadeen noocyada xidkaha(stars) ee asaasiga ah inay yihiin todobo(7) nooc sida sawirka aad ka aragto.
4) Tirada badaha(seas) waa todobo(7) qaaradaha( continents ) aduunka waa todobo(7) qaaradoo.
5) Tirada Maalmaha waa todobo(7). Maalinta qiyaamaha ay dhacayso waa maalinta 7aad ee isbuuca(Jimcaha)
6) Midabada Qaansa roobaadka(Visible spectrum) waa todobo(7) midab.
Midabadaas waxaa loo soo gaabiyaa ROYGBIV(Red, Orange, Yellow, Blue, Indigo iyo Violet.)
7) Waxaa cajiib ah tirade samooyinka waa todobo(7) . Quraanka Kariimkana todoba(7) jeer ayaa lagu xusay Quraanka kalmada ‘Samooyinka. Albaabada Naarta waa todobo(7)

Lambarka 7 iyo Quraanka & Sunnada Nabiga (NNKH)
____________________________________________
1) Kalimada لا اله الا الله محمد رسول الله todobo(7) eray ayay ka koobantahay.
2) Suurada ugu wayn Quraanka waa Suurada Al-fatixa. Todobo(7) Aayadood ayay ka koobantahay.
وَلَقَدْ آتَيْنَاكَ سَبْعًا مِّنَ الْمَثَانِي وَالْقُرْآنَ الْعَظِيمَ) (87) سورة الحجر)
3) Nabiga waxa laga wariayay xadiiskan
(إن هذا القرآن أُنزل على سبعة أحرف) [البخاري ومسلم]
Oo macnihiisu yahay ‘ Quraankan waxaa lagu soo dejiyay todobo qiro( luuqad)
4) Dhinaca caafimaadka markuu ka hadlayay Nabiga (NNKHA) waxuu yiri:
(من تصبَّح كلَّ يوم بسبع تَمرات عجوة لم يضرَّه في ذلك اليوم سمٌّ ولا سِحْرٌ) [البخاري ومسلم]
(Timirta Madiina ee Cajwaan loo yaqaano oo timiraha kale ka duwan in qofkii cunaa subuxii 7 xabo , inuu maalintaas uu cunay ka badbaadayo sun, sixir iyo waxkasta oo caafimaadkaaga khalkhalin kara.) Tirada uu isticmaalay fiiri waa todobo.
5) Nabigeena suubanaa (NNKHA) waxaa kaloo laga wariyay:
(أُمرت أن أسْجُدَ على سَبْعَةِ أَعْظُم) [البخاري ومسلم]
(Waxaa la i faray inaan ku sujuudo todobo xubin.)
6) Waxa kaloo ka mid ah xadiiska laga wariyay nabiga (NNKHA)
(سبعة يُظلّهم الله في ظلِّه يوم لا ظلَّ إلا ظلُّه…) [البخاري ومسلم].
(Todobo ayuu Alle( SWC) u haraynayaa maalinta qiyaamaha….)
7)Dawaafka kacbada waa toboda jeer. Sidoo kale, socodka labada buur ee Safa iyo Marwana waa todobo jeer.
Gunaanud
Suurada 1aad ee Quraanka( Al-fatixa) waxay ka koobantahay 7 Aayadood. Suurada u dambaysa Quraanka( Al-Naas) waa Suurada 114aad.

Lambarka Suurada koowaad Lambarka Suurada u dambaysa
1 114

1 + 1+ 1+ 4 = 7
Sidoo kale,
1141 = 163 x 7
Aqristow naftaada ma waydiisay Alle arimahaas aan ka soo sheekaynay maxu ugu doortay lambarka todobo. Sir u qarsoon oo Aadanuhu garan wili ayaa jirta, Alle weyna kaliya ayaa og. Lakiin waxaan orankarnaa in xikmada loo soo celceliyay looguna doortay in koonkan ka samaysmo xisaabta 7 ay leedahay ahmiyad gaar ah. Waa mucjiso Alle wayne(SWC) ku tusayo adoomadiisa in koonkan iyo waxa ku dhex nool iyo kuwa aan nooleynba isagu uumay uuna maamulo. Waa fariin Alle inagu tusinayao mid ka mid ah mucjisooyinka Quraanka Kariimka ah, loona baahanyahay inaan wax ka barano. Dhinaca kale waxay fariin u tahay dhiirigelinta barashada qawaaniinta xisaabaadka koonka ku shaqeyo.

Waxaan ku soo koobay siraha ku qarsoon lambar todobo dhinaca Diinta iyo dhinaca Sayniska 7 qodob mid walba. Khahriida SOOMAALIYA waxay u samaysantahay sida 7. Soomaaliya astaantaas wadan lama wadaago dunidan majiro. Allow Soomaali Kitaabkaaga Quraanka ah fahansii dhibkay ku jirana ka saar.
________
Ibrahim Abdulkadir​
794545@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip