Dowladda Federaalka oo wafdigii ugu sareeyay u dirtay Hiiraan (Ujeedada socdaalkooda)+Sawirro

0
Tuesday October 27, 2015 - 11:09:34 in Wararka by
  • Visits: 797
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka oo wafdigii ugu sareeyay u dirtay Hiiraan (Ujeedada socdaalkooda)+Sawirro

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday arrimaha maamul u sameynta gobolka Hiiraan iyo Sh/dhexe, iyadoona iminka la dedejinayo dhismaha maamul goboleedkii shanaad ee dalka laga hirgelinayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday arrimaha maamul u sameynta gobolka Hiiraan iyo Sh/dhexe, iyadoona iminka la dedejinayo dhismaha maamul goboleedkii shanaad ee dalka laga hirgelinayo. Wafdi heer wasiir ah, saraakiil ka socota xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo xubno ka tirsan madaxtooyada Villa Somalia ayaa ka degay magaalada B/Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kuwaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay halkaasi.

Madaxda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Hiraan ayaa ka wadahadlay arrimo ku saabsan dardar gelinta dhismaha maamul u sameynta gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan, iyadoo wafdiga ay la socdaan madax ka tirsan hay’adaha samafalka, kuwaasi u kuur gelaya fatahaadaha ka dhashay roobabka deyrta.

Wafdiga ka socda magaalada Muqdisho oo uu hoggaaminayay Ra’iisal Wasaare K/Xigeenka Maxamed Cumar Carte, waxaa kale oo ka mid ahaa wasiirka caafimaadka Xaawo Maxamed Xasan iyo xubno kale.

Dhinaca kale booqashada wafdiga ayaa la filayaa in war rasmi ah laga soo saaro, iyadoo dhaqdhaqaaqdyada dowladda Soomaaliya ay iminka ku wajahan yihiin gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan oo ay horay u sheegtay in bisha Novermber si rasmi ah loo daah furayo shirweynaha maamul u sameynta labada gobol ee caasimada Muqdisho deriska la ah.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip